Hay’adda MSF oo joojisay gabi ahaanba shaqadii ay ka waday Isbitaalka Beladweyne

Muqdisho(Rajonews)Hay’ada MSF ee ka howlgasha isbitaalka Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa maanta shaaca ka qaaday in gabi ahaanba ay joojiyen howlihii shaqada ahaa ee ay ka wadeen Gobalkaasi.

Maamulka cisbitaalka Beladweyne ee ay gacanta ku hayso hay’ada dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in MSF gabi ahaanba ay joojisay howlihii ay ka waday cisbitaalka Beladweyne oo ay ku tiirsanaayeen dadka deegaanada Gobolka Hiiraan.

Waxa ayna maamulka cisbitaalka ay sheegeen in MSF maanta wixii ka dambeeyo si buuxda ay u joojin doonaan shaqooyinkii kala duwanaa ee cisbitaalka ay ka qaban jireen.

Isbitaalka Magaalada Baladweyne ayaa waxa uu adeeg caafimaad u qaban jiray dad badan oo ku nool Gobolka Hiiraan iyo xitaa mararka qaar meelo ka baxsan Magaalooyinka gobolkaasi.Waxa ayna bixin jirtay  adeegyada caafimaad sida dawooyinka iyo qarashaadka kale ee Isbitaalka ku bixi jiray.

MSF ayaa maanta gabi ahaanba ka baxeysa Isbitaalka Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaana tani ay ka danbeysaa markii MSF labo shaqaalo ah looga dilay Magaalada Muqdisho islamarkaana 2-kale lagu heysto dhulka Soomaaliya kuwaasi oo laga soo qafaashay Dhadhaab.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.