Maxkamada Gobalka Bari oo xukuno kala duwan ku riday Burcad badeed

Muqdisho(Rajonews)Maxkamadda darajada KooWaad ee magaalada Boosaaso ayaa xukunno kala duwan waxa ay ku riday dhalinyaro burcad ah kuwaasi oo horay deeganada maamulka Puntland maraakiib uga afduubtay.

Raga burcada ah ee la xukumay ayaa waxa ay isugu jiraan kuwa ay soo qabteen ciidamada maamulka Puntland kadib markii howlgal ay sameeyeen ay kusoo qab qabteen.

Xukunka oo uu fuliyay Guddoomiyaha maxkamada Gobolka Bari Sheekh Aadan Ow Cabdi oo ku Dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in dadka la xukumay ay gaaraayaan Ilaa labaatan Burcad badeed ah kuwaas oo qaar ka mid ah la xukumay iyagoo maqan, waxaana maxkamadu la wareegtay hubkii ay dambiilayaashu adeegsanayeen.

Raga burcada ah ee ay maamulka Puntland xukunka ku rideen ayaa Sadex ka mid ah waxaa lagu xukumay ,min Toban sano oo xarig ah iyo Konton Milyan oo Shilin Soomaali ah.

Ilaa iyo 12-kale oo ka tirsan burcada ayaa sidoo kale waxaa lagu xukumay dil toogasho ah oo ay fulisay maxkamada Gobalka Bari ee maamulka Puntland.

Xukunkan ayaa ka dambeeyay kadib howlgal ay ciidamada Puntland ku soo qabteen kooxo burcad badeed ah,  iyaga iyo hubkoodii,  halka Sadex ka Mid ah burcad badeeda ay ciidamu dileen inii uu socday howlgalkaasi.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.