Ururka Ahlusuna oo heegan buuxa gelisay ciidamadeeda

Muqdisho(Rajonews)Kadib kulan maalmo uga socday Magaalada Guriceel ee xarunta Gobalka Galgaduud ayaa Ururka Ahlusuna waxa ay sheegeen inay kulankooda kasoo saaren bayaan adag oo ku aadan arimaha dalka Somaaliya.

Sheekh Axmed C/llaahi Ilkacase oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Ahlusuna oo bayaanka saxaafada u aqrriyay ayaa baaq u diray dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in gobolada dhexe ay u soo dirto wafdi u kuur gala xaalada ammaan ee gobolka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qodobada kasoo baxay bayaanka ay kamid ahaayeen in hegan buuxo lageliyo ciidamada Ururka Ahlusuna waljameeca ee Gobalada Dhexe dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ciidanka Ahlusuna lagu biirinayo kuwa Dowladda Soomaaliya islamarkaana lasiinayo tababaro kala duwan oo ku aadan inay ku biiraan ciidanka Milateriga Soomaaliya Nabadsugida iyo sidoo kale Booliiska.

Sheekh Axmed Ilkacase ayaa sheegay in masuuliyiinta maamulka Ururka Ahlusuna Waljameeca ay isku afgarteen in la dhiso maamul loo wada dhan yahay oo ay yeelato Gobalada Dhexe ee dalka Soomaaliya.

Isaga oo hadalka siiwata ayuu Ururka Al-Shabaab ee ku sugan deeeganada Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya wuxuu ku eedeeyay inay maalintii halkaasi ku dilaan ku dhawaad 10-ruux oo uu sheegay xitaa inay qalaan.

Ururka Ahlusuna Waljameeca ayaa iminka u xusul duubaya sidii si mideysan ay ugu biiri lahaayeen Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale hanaanka Dowladdnimo ee dalka.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.