Dhagayso: Dowlada oo kun iyo shanboqol oo Caruur Agoon ah caawinayso

Muqdisho-(Rajonews) Shan kun iyo shanboqol oo caruur agoon ah ayaa  magaalada Muqdisho loogu qabtay munaasabad lagu wacyigelinayo isla markaana lagu caawinayo.

Waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin ka socday gobolka Banaadir iyo mansuuliyiin ka socota xukumada dowladda Soomaaliya, Ururda bulshada rayidka ah, macalimiinta wax ka dhigta Jaamacadaha magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo dhamaantood isla garwaaqsaday in ay caruurbadna ku dhacday dhibaato nolol xumo, Caafimaad daro, Aqoondaro, Hooy la’aan, iyo Daryeel maskaxeed oo ay ka dhinteen, kuwaas oo wadooyinka magaalada ka dawarsada ama ku silicsan kuna cuna maandooriye, iyo kuwo waalidiintii dhalay aysan ahayn kuwo nool balse ay haysto xaalad dhaqaalo xumo.

Masuuliyiinbadna aya aka hadlay ahmiyada ay caruurtu u leeyihiin bulshada iyo sida ay ugu baahanyihiin in ay helaan nolol  iyo caawimaad uga imaada Dowlada iyo Bulshada ay ka dhasheen si loo bad baadiyo mustaqbalka dalka oo ay caruurtu kaalim muhiim ah ka yihiin.

Waxa aad tihiin Mustaqbalkii dalka waxa aad u bahantihiin in aad nolol heshaan, waxaad u bahantihiin waxbarasho, waa in aad dadaashaan oo aad adinka oo dhimanaya aqoonta ku dadaashaan si aad u gaartaan hadaf ay nolol ka danbayso, aniga ayaa ahaa ciyaal Orfane Duqa magaalada Muqdisho ayaa ahaa wana dadaalnay waxana soo marnay nolol aad u adag inkasta oo aan nabad haysanay, hadana yeesha hadaf iyo go’aan waxaad noqon doontaan kuwo dalka Hogaamiya” Sidaa waxaa yiri wasiir ku xigeenka Wasaarada Horumarinta Bulshada Bashiir Maxed Jaamac (Goobe) oo ka hadlayay xaflad loo qabtay caruurtan.

Magaalada caasimadaa ee Muqdisho waxaa ku nool Kumanaan iyo Kumanaan caruur soomaliyeed oo aan ehelo iyo waalid toona haysan, waxyana la kulmaan, Dil, Kufsi, iyo Nolol xumo, waxaa iminka bilaabanaya isku dayo aan la saadalinkarin halka ay gaari karaan oo lagu doonayo in lagu caawiyo caruurtaasi aan tirada lahayn.

Dowlada ayaa iminka biloowday hanaan isku day oo ay ubadankan ku caawin doonto dhagayso sida ay uga hadleen madaxda dowlada goobta caruurta l aisugu keenay.

Dhagayso

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Rajonews3@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.