Gudiga Doorashada puntland oo soo bandhigay Ururada la aqbalay iyo diwan galintii oo la xidhay

Puntland- (Rajonews) Xili maalmihii la soo dhaafay ololaha soo xulida xibiyada siyaasada puntland ay ka soconaysay gobolkaas ayaa waxaa iminka gudiga Doorashadu ay ku dhawaaqeen in la soo xiray mudadii loo qabtay in ay xisbiyadaasi isa soo diiwaangaliyaan iyaga oo soo bandhigay ilaa iyo iminka xisbiyada gacanta ay ku hayaan ee u taagan loolanka siyaasada Maamul goboleedka puntland.

Sida lagu xusay warsaxaafadeed ay gudigu soo saareen waxaa sharuudihii looga bahnaa buuxiyay 6 urur oo qura kuwaas oo noqonaya xisbiyada siyaasada puntland ee xiligan is jiid jiidku ka jiro.

Gudoomiyaha gudiga Doorashada Puntland Dr.Maxamed Xassan Barre waxa uu sheegay in ururo badan uu waqtigu ku yaraaday islamarkaana iyaga oo aan sharuudihii soo buuxin waqtigii ka dhacay isla markaana aan la aqbali doonin hada kadib isaga oo xusay in uu jiro codsiyo ku aadna in waqti kordhin la sameeyo taasi oo uu xusay in aysan jiri doonin.

“Iminka waa waqtigii ay ururadu Xisbiyo isugu badali lahayeen uguna diyaar garoobi lahayeen sidii ay gobolada maamulka ay xaafisyo uga furanlahayeen una kasban lahayeen rabitaanka shacabka iyaga oo u diyaargaroobaya ololohooda doorashada” sidaa waxaa yiri Dr.Maxamed Xassan Barre.

Ururada la soo bandhigay waxaa ka mid ah.

 

1- Midnimo

2- Horcad

3- Horseed

4- DPD

5- Udad

6- Wadajir

Waxaa bilaabanaya wajiyada kale ee lagu doonayo in ay ururadan xibiyo buuxa isgu badalan xili Puntland laga dareemayo is qab qabsi ku aadan mudo kororsiga madaxweynaha oo muran xoogan dhalisay iyada oo ay waxgaradka Puntlad ka cabanayaan amaan xumida gobolka iyo habacsanaan maamulka ku timid.

Rajonews3@gmail.com

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.