Hooyooyinka Soomaaliyeed waxay si weyn uga cawdeen raga qaadka cuna+(Daawo)

Qaadka-(Rajonews) Waa Warbixin Naxdin iyo tiiraanto leh oo katimid hooyooyinka Galmudug ee magaalada gaalkacyo kuwaasoo kawaramay xanuunka iyo dhibaatada qaadku kuhayo Hooyooyinka soomaaliyeed meeshay doonaaba hajoogaane, Cabashadan ay codkooda iyo fikirkooda  ku soo ban dhigeen  sida karti lehna uga hadleen hooyooyinka galmudug ayaa waxaa lagu tilmaami karaa inay ka turjumayaan afkoodana ku hadlayaan dhamaan hooyooyinka Soomaaliyeed.Meeshay Doonaanba hajoogaane.

Hooyooyinkaan ayaa kacabanaya in loo geysto  Dil iyo dhac Xaasaska  qaba raga qaadka cuna,iyagoo arintaas kahadlaya ayaa Hooyooyinkaasi sheegeen inay caruurta kaligood koriyaan kana ganacsadaan waxyaalo yar-yar oo ay suuqa ku gadaan iyagoo marxaladaas kujira maalin walba oo caruurtiina gaajaysan tahay ayaa waxaa intaas u dheer NIN maalinwalba kor taagan oo leh nayaa isii  lacag aan Qaad ku gato ,haday diidana waa dil iyo gacan qaad joogtaa,

Hadaba maxaa lagudboon raga Soomaaliyeed ma u Hiilinaa Hooyooyinkeen Mise waa kufiirsanaa ,maladagaalanaa Qaadka oo maka Xoreysanaa bulshadeena mise waa ku daawanaa.,

Talada Ururka Ladagaalanka Qaadka Daawo barnaamijka oo tafatiran.

Abukar Awale ( Qaad diid )

Gudoomiyaha ladagaalanka Qaadka.

One comment on “Hooyooyinka Soomaaliyeed waxay si weyn uga cawdeen raga qaadka cuna+(Daawo)

  1. Waxaan rabaa inaan cududayda iyo caqligayga ku biiriyo la daagaalanka qaadka . waxaan deganahay Birmingham uk, waxaan rabaa in la ii soo diro emialka iyo telefoonka Gudoomiyaha Mr Omar Awaale, plz

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.