Maxaa ka jira Wararka sheegaya in W.Arimaha D.bada Soomaaliya iyo W.Arimaha D.bada Somaliland ay ku kulmeen Malaagada London?.

London-(Rajonews) Sida xubno xogogaal ahi ay u xaqiijiyeen shabakadda caalamiga ah ee Halbeegnews waxaa caawa magaalada London kulan ku yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo labaduba todobaadkii hore magaalada London soo wada gaadhay.

Inkasta oo aan faahfaahin laga bixin kulankani ujeedada rasmiga ah ee uu daarna ayaa haddana sida ilo xogogaal ah oo shabakadda Halbeegnews hellaysa tibaaxayaan qodobadda laga wada hadlay ee labada dhinac isla soo qaadeen ayaa waxaa ugu weyna sidii loo sii ambaqaadi lahaa wada-hadaladii Somaliland iyo dawladdii hore ee Shariifka Muqdisho u dhexeeyey.

Kulanka oo caawa ka dhacay hotel ku yaalla badhtamaha magaalada London ayaa labada Wasiir waxaa ku wehelinaayey kulankooda Safiirka wareega ee Soomaaliya Ambassador Cabdirashiid Seed iyo safiirka Somaliland u fadhhiya magaalada London Ambassador Cali Cawaale.

 Kulankani ayaa la sheegay in lagaga hadlaayey sidii loo fududayn lahaa qaabka wada hadalada loo sii ambaqaadi lahaa, sidii loo fududayn lahaa halka ay wada hadaladda danbe ka dhacayaan iyo weliba qodobadda wada hadaladdaasi lagu soo qaadi doono.
X-halbeegnews
rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.