Daawo : Madaxweynaha Soomaaliya iyo sida Sudan loogu so dhaweeyay.

Sudan-(Rajonews) Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Sudaan ayaa maanta waxey ku sii jeedaan magaalo madaxda dalkaas ee Khartuum.

Wafdigaan ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiirka Arimaha Gudaha & Amniga Qaranka Mudane C/Kariim  X.Guled, Wasiirka Maaliyadda & Qorsheynta,Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan, Wasiir u dowlaha Wasaaradda arimaha dibadda Mudane Dr. Maxamed Nuur Gacal,Wasiir ku xigeenka Gashaandhiga Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, iyo Taliyaha nabad sugida Mudane Axmed M. Fiqi.

Wafidigan ayaa  waxey maalintii shalay aheyd ka qeyb galeen xafladda xornimadda Sudaan. Xafladaas ayaa waxey ku soo aaday munaasabad lagu furayo biyo xireenka laga dhisay magaaladda Damazin ee gobolka blue Nile.

Sidoo kale Madaxwyenaha iyo wafdiga uu hogaaminyo, waxey kulamo la qaateen Madaxweyne Cumar Xassan Al-Bashiir iyo Wasiiro ka tirsan xukumadda dalka Sudaan. Kulankaas waxaa looga wada hadlay sidii xirriirka labadda dal loo hormarin lahaa.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay mashaariicda adeegyadda bulshadda ee dowladda Soomaaliya  u diyarineyso goboladda dalka .Adeegyadaas ayaa ka kooban amniga, waxbarashada, caafimaadka,garsoorka iyo adeegyadda kale ee bulshadda waxey’na  qeyb ka yihiin Lixda Tiir siyaasadeed ee dowladda (Six Pillar policy).

Rajonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.