Dhagayso: Shabaab oo bilaabay in ay Baardheere ka baxaan

Gedo-(Rajonews) Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in magaalada Baardheere ee gobolka Gedoo ay ka bilaabatay cabsi xoogan oo la so daristay Al-shabaab kadib markii ciidanka dowlada ay ku soo dhawaadeen magaalada.

Afhayeenka Ciidanka Dowlada ayaa Aadan Axmed Xirsi saxaafada u sheegay in saraakiishii ciidanka ee Al-shabaab ay isaga baxeen magaalada Baardheere iyaga oo wata gadiid iyo ciidan, waxa uuna xusay in ay ka baxayaan ciidamo taabacsan alshabab kuwaas oo ku sii jeeda dhinca duurka baadiyaha si ay gabaad uga dhigaan.

Waxa uu afhayeenku dhanka kale sheegay in ciidamadoodu ay ka go’antahay in ay la wareegaan gacan ku haynta magaalada Baardhere oo ka mid ah magaalooyinka wali ku harsan gacanta Al-shabaabiyaga oo qabsaday deegaamo yar yar oo ka sokeeya sida u hadalka u dhigay.

Qaarkamid ah ciidamada al-shabab ayaa isku soo dhiibay ciidanka dowlada iyaga oo ugu baaqay in ay dhalinyarada u carartay duurka in ay isa soo dhiibaan iyaga oo la siin doono nabadgalyo.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Rajonews3@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.