Dhagayso: Soomaalida South Africa oo loo diiday in ay dalkoodii dib ugu laabtaan

South Africa-(Rajonews) Inbadan oo kamid ah Soomaalida South Africa ayaa xiliyadii u danbeeyay u diyargaroobayay in ay dib ugu laabtaan dalkooda balse waxaa iminka soo baxaya in dowlada South Africa ay soomaalida u diiday in ay dalkooda dib ugu laabtaan iyada oo dad badna lagu xanibay Garoomada dalkaasi.

Dhibaatada soomaalida ku haysta dalkaasi ayaa sababtay in ay Soomaalidu isaga hayamaan oo ay dalkoodii dib ugu labataan mar hadii isbadal dalkii u lugaha la galay gaar ahaan waxa ay dadkani ka cabanayaan laamaha socdaalka ee dalkaasi.

Gudoomiyaha jaaliyada dalka South Africa C/raxmaan Shiikh Cumar Xuseen (C/raxmaan Ukun) oo ka hadlay dhibaatada heysata dadka Soomaalia ayaa waxa uu muujiyey dhibaato tii ugu xumeyd in ay soo foodsaartay  Soomaalida dalkaasi ku sugan.

Waxa uu dhanka kale xusay in ay sii kordhayaan dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida dalkaasi ku nool iminkana ay iska go’ansadeen in ay dalkoodii dib ugu laabteen.

 

Dhagayso waraysiga Gudoomiyaha.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Rajonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.