Tahniyad iyo Hambalyo Aroos.

Tahniyad-(Rajonews) Waxaan halkan tahniyad iyo hambalyo ugu diraynaa Arooska Cumar Salaad Maxamuud iyo Aroosadda Fardawso Maxamed Xersi  Oo ku aqalgalay Jimcihii la soo dhaafay Magaalada Muqisha taariikhduna ahayd 28/12/12. Xersi. Waxaa hambalyada diraya dadkan isugu jira qaraabo, xidid iyo asxaab oo kala jooga dalka iyo dibaddiida, waxayna kala yihiin:

Hooyo Faadumo Xersi Cabdi

Abti C/laahi Xersi Cabdi Xaaskiisa iyo carruurtiisa

Abti C/naasir Xersi Cabdi “Iidle” Xaaskiisa iyo carruutiisa

Abti Maxamed Xeri Cabdi, xaaskiisa iyo carruutiisa

Habaryar Aamina Xersi Cabdi, Saygeeda iyo carruurteeda

Habaryar Xaawo Xersi Cabdi, Saygeeda iyo carruurta

Xasan Maxamed Xersi “Sangal”

Ciise Maxamed Xersi

Caasho Maxamed Xersi

Bashiir Maxamed Xersi

Shaafici Maxamed Xersi “Guure”

C/xafiid Maxamed Xersi

Faadumo Afweyne

Iddil Xersi

Bulsho Xersi

Faadumo Maxamed Daahir

Maxamed Aadan Xersi

Xasan Aadan Xersi

C/qaadir Aadan Xersi

Iyo dhammaan Reer Aadan Xersi

Kafeeya C/laahi Xersi

Farxaan C/laahi Xersi

Zaynab C/laahi Xersi

Iyo dhammaan Reer C/laahi Xersi

Adeer Xasan Xersi Abtiddoon

Adeer Abuurkar C/laahi Xersi Abtiddoon

Adeer C/laahi Xersi Abtiddoon

Iyo dhammaan Reer Xersi Abtidoon

Cabdiraxiin Hilowle Galayr, Xaaskiisa iyo carruurtiisa

Hoyo Caaliya Aadan Cabdi

Aabbe Salaad Maxamuud Afrah

Abdulaahi Salaad Maxmud

Aamina Salaad Maxmud

Abukar Salaad Maxamuud

Cismaan Salaad Maxamuud

Cali salaad Maxuud “Cali Dhuux”

Faaduma Cabdulaahi Aaden “Iliiza“

Nasro Daa’uud Cismaan “Neyruus”

Malyuun Ibraahim Aaden

Maxmed deeq shiiq Yuusuf “Deeq Daacad”

Waxaan ugu direynaa dardaan suugaaneed wiilka iyo gabadha sidii dhaqanku ahaa

Meeratada adduunyadu
Waa maraad ku faraxdiyo
Maray murugo kuu tahay
Meherkii kal hore dhacay
Muddo aan sugnaynnay
Maantaad anfaca iyo
Mirihiisa gurateen.

Ninka Ina Maxamed doontow
Dhag u yeelo maansadan
Meerisyadana weelee
Maankaaga galiyoo
Waligaa ha gees marin!

Mudan weeye gabadhuye
Waligaa maqsuud ka dhig
Ha colaadin maandhaw
Marna yeysan ciishoon.

Maandeeq nin helaybaa
Ka macaasha dunidee
Mowlow Ilaahow
Labadii is mohatee
Kala maagin abidoo
Aqalkood la magangalyo
Allahow ku maamuus!
Aamiin. Aamiin. Aamiin.

Waxaan kale oo ku darayaa: tixdan dardaaranka ah:

Dhaqankii Islaamkiyo dadkiyo dhidibkii weeyaane
Dhisme reer la taagaa u wacan, dhaabad duniyeede
Dhabbihii wanaaggaad marteen, horumar dhaadkiise
Gob is dhawrtaa sharaf lehoo, laguna dhaataaye
Wiilyahaw dhawaaqeyga faham, waa dhab hadalkeeye
Dhur u yeelo hadalkayga maqal, dhugo wax sheeggayga
Hayga dhibin adeey kuu dhaxday, waana dhaxalkaaye
Dhaqaalayso waa ruux dhan, yimid dhankaagiiye
Waa dhabeel haween laga xushoo, gaari dhalankeede
Waa dhamayska dumaroo, dadnimo dhaaftey qayrkeede
Waa dhurowdo, duco loo dhigoo, xuma ka dheerayde
Dhaqaalayso oo dhawro, waa dhaqankii Soomaale
Marwahay dhegaha geli warkii saygu kugu dhaafo
Hana dhaafin xeerkii dadkiyo, dhaqankii Soomaali
Dhismiha reerku waa labada dhinac, laysla dhawraaye
Dhaqaalaha aduun iyo dadkoo, laysla dhawraaye
Dhaqanka iyo hidgaha fiican oo, laysla dhawraaye
Dhawroow Allahayoow ka yeel, guri dhammeysnaada
Wiilal dhiirran, gabdho dhawrsan, iyo ubad u dhiib doora
Farxad aan dhamnaaniyo, Rabiyo dheregtana u raaci.

Aaamiin Aaamiin Aaamiin

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.