Wasiirka Difaaca Dowlada Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Baydhabo-(Rajonews) Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada Soomaaliya C/xakiin Fiqi iyo Xubno ka tirsan Baarlamanka Soomaaliyeed oo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wafdiga Wasiir Fiqhi ayaa waxaa kamida Masuuliyiin ay ka mid yihiin Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade,Taliyaha ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed C/Qaadir Shiikh Cali Diini, xildhibaan Afaraale,iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Maamulka Gobolka Baay ee Dowlada Soomaaliya.

Wasiir Fiqhi ayaa Ujeedada Safarkiisa ku sheegay siduu ugu kuur gelilahaa Xaaladaha Nabad Gelyo ee Magaalada baydhabo oo ay ku suganyihiin Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo Gacan ka helayaa kuwa Dowlada Itoobiya,iyadoona Wasiirku uu Sheegay in ay sidookale Doonayan in ay Qiimeey Xaaladaha Ciidama Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ka Hoowl gala Gobolka Baay si ay u Qaataan Ciidamadu Mushaarkooda.

Wasiir Fiqhi ayaa Dhoow Magaalo oo Kamida Konfurta Soomaaliya horay u tagay isagoo Ciidamada ku ka Hawl gala goboladaa ay Wasaaradu Difaacu u qeeybisay Mushaarkoodii,si ay Ciidamadu Hoowla horyaal u gutaan ugana Shaqeeyaan Nabad Galyada Deegaanada ay Gacanta ku hayaan.

 

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.