Top Seceret: Shirarkii Gedo iyo wixii ku aasnaa madax loo dhaartay sabab?

Gedo-(Rajonews) Sidda aan ka helnay masuuliyiin warkoodu yahay macquul oo ku kala sugan magaalooyinka Dooloow,Ceelwaaq iyo Baladxaawo ayaa ka war bixiyey Shirkii ka dhacay doolow 29kii december iyo waxaay ka kala kulmeen masuuliyiintii uu hor kacayay Awlibaax oo kamid ah Asagu Saxiixayaasha Tubta Maamul U samaynta jubbaland.

 

Awlibaax oo aay weheliyaan Bile Cabdulle iyo Culujoog  ayaa  Shirkaas kaga hadley Arimihii ugu dambeeyay ee Maamul usamaynta Jubbaland iyo qaabka aay reer Gedo kaga qayb qaadan karaan dadaaladda lagu yagleelayo maamul u samaynta jubooyinka iyo arimo badan oo kale.

 

Odayaashii iyo saraakiishii aay kula Shireen magaaladda doolow ayaa suaalo badan waaydiyey Masuuliyiintaas kuwaasoo aay kamid ahaayeen Dilkii Qalinle Loogu Geystey Kismaayo,iyo qabashadda baardheere,deegaanadda dhiman ee gobolka Gedo,iyo Sidoo kale maadama Soomaliya aaysan wali ka dhamaan qilaaafaadkii qabaailaadka cidda lagu xisaabinayo Kismaayo oo gacanta ku haysa maadama Beesha Gobolka Gedo dagta qaarkeedna aay dagaan Jubbadda hoose gaar ahaan kismaayo iyo deegaano ku xeeran ayagoo sheegay in aay u arkaan Xaaladda kismaayo mid Jamhad gacanta ugu jirta.

 

Suaaslahaas la waydiiyey Masuuliyiintii uu horkacayay Awlibaax ayaa la sheegay in uu buuq ka dhashay isla markaana halkaas lagu kala kacay ayaddoo laga xusi karro Masuuliyiintii dhanka Gedo uga qayb gashay Shirkaas inuu kamid ahaa  Gudoomiyaha Dooloow,Cabdirashiid Janan iyo gudoomiye ku Xigeenkiisa Aadan madoobe Odayaal iyo Saraakiil ka timid dhanka Garbahaareey iyo Luuq,

Generaal Tigle oo la shiray Awlibaax iyo raggii la socday Muxuu kala Hadlay?


Shirkaan ayaa Sidda la sheegay waxaa uu ka dhacay Xeradda Taliska ee Ciidamadda Ethiopia kaga sugan yihiin Degmadda dooloow ayaddoo wax badan looga hadlay balse nuxurkii Shirkaas ayaa Ilo xog ogaal ihi xaqiijiyeen inuu gaashaanka u daruurey Taliyuhu qaabka aay wax u wadaan Masuuliyiinta hogaaminaysa tubta maamul u samaynta Jubbaland asagoo Sidda la xaqiijiyey u sheegay Awlibaax iyo ragiisa inaaysan dowladda Ethiopia ku qanac sanayn qaabka aay keenya wax u waddo iyo  waxa aay yihiin Jamhadda raaskambooni asagoo intaas ku daray inaaysan is daalin masuuliyiintaan ilaa dowladda Ethiopia iyo guud ahaan Beelaha Jubooyinka laga qanciyo qaabka wax u socdaan,

Muran iyo Fara uska taagtaag kadib waxaa la xaqiijiyey inuu ugu hanjabay xarig haddii aay mar dambe usku dayaan ayagoo barnaamijkaan wadda inaay Dooloow kusoo laabtaan.

 

Generaalkaan hanjabaadda iyo cagu jugleyntu kasoo baxday ayaa ah Taliyaha Guud ee hogaamiya Ciidamadda Ethiopia ee howlgalka ka wadda koonfurta Soomaliya asagoo saldhgiiisuna yahay magaaladda Dooloow ee Gobolka Gedo kaasoo sidda aan xogta ku hayno dhowr jeer oo hore xarig kula kacay masuuliyiin si weyn looga yaqaaney koonfurta Soomaliya,

Hadaba Aqristayaasha waxaan Isla todobaadkaan usoo gudbinaynaa war bixin Sir ah oo ka hadlaysa Shir aay wadda qaateen Korneel Cabaas iyo Odayaal dhamaqameed kasoo jeeda jubooyinka,Masuuliyiintii Dooloow kusoo hungoobey waxaay kala kulmeen Degmadda Ceelwaaq,Saraakiil ku jaal ah Shariif Xasan oo damacsan koonfur galbeed State iyo waxaay yihiin iyo sidoo kale  Magaaladda Garbahaarey oo aay kusoo wajahan yihiin Siyaasiyiiin Caan ah.

Mohamed Nuur Sheikh

 

Rajonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.