Daryeelka maqaarka ilmaha yar iyo dhalinta.

Caafimaadka-(Rajonews) Maxaa gaar ku ah maqaarka ilmaha yar oo dhashay iyo carruurta koran? Dhalashada ka dib maqaarka ilmaha wuxuu qaataa muddo inuu la qabsado adduunka ku cusub. Waxaa jira waxyaalla badan oo deegaanka ka jira oo ilmaha dhashay xasaasi u yahay intuu yar yahay. Si kasta arrini ha ahaatee, talaabooyin yaryar oo guriga laga qaado ayaa muhiim u ah si loo xaqiijiyo in ilmaha yar maqaarkiisu awoodo inuu la qabsado deegaanka.

Dhiqida ilmaha dhashay maqaarkiisa
Ku dhiqida ilmahaaga maqaarkiisa biya diiran keliya waa wax muhiim u ah badanaa. Waa laga yaabaa in Saabuuntu maqaarka qalajiso.
Qiyaas yar oo ah saliida aan la carfin oo qubayska oo lagu daro biyaha qubayska ayaa caawimaya in maqaarku ahaado mid jilicsan oon jajabin.
Ka fogow xunbada qubayska maadaama ay qaadan saliida dabiiciga ah ee maqaarka. Daawada lagula dagaalamo bakteeriyada ama saabuunta la carfiyey waa in laga fogaadaa. Waa muhiim in si degan loo qalajiyo maqaarka meelaha uu ka laablaabmo kuwaas oo ay ku jiraan kilkilooyinka, sarcanyaha, surka iyo dhegaha gadaashooda, qubayska ka dib.

Qadar yar oo kareemka jirka qooya ah sida sorbolene ama aqueous cream ayaa la isticmaali karaa si loogu nadiifiyo goobaha naabiga lagu xiro. Waxaa kaloo loo isticmaali karaa jir qooyayaal ahaan qubayska ka dib. Haddii ilmahaagu leeyahay maqaar qalalan, ama eksimada ilmanimada, waa muhiim inaad ka fogaato saabuunta gebi ahaanba aadna isticmaasho kareemyada isla markaana joogta u mariso maqaarka.
Xilliga qaboobaha, dhaq ilmaha maqaarkiisa inta ugu yar maadaama hawada qaboobi ka dhigto maqaarka qalayl. Hadii maqaarku badanaa qalalan yahay wuxuu u baahan karaa kareenka jirka qooya dhowr jeer maalintii khaasatan qubayska ka dib.

Sidee ilmahayga maqaarkiisu ula qabsanayaa kulaylka kala duwan?
Maqaarku wuxuu caawimaa kantaroollaa kulaylka jirka. Carruurta aadka u yaryar, kantaroolida kulaylka iyo qabowga aadka u badan waa ku adag yahay. Hawada diiran, nalka, dhar ilmaha ka waaweyn oo cudbi ah ama cudbi/synthetic isku jira ayaa ugu fiican. Iska ilaali doonas, khaasatan marka hawadu kulushahay, maadaama laga yaabo inay ilmuhu aad u kululaan karo.
Hawada qabow, cudbiga ama cudbi iyo synthetic isku jira dharka ah ayaa la isticmaali karaa. Dharka ka samaysan dhogorta oo cudbiga lagu dulsameeyey wax shida ah ma leh, laakiin maaha inay jirka taabtaan maadaama ay cuncun keeni karaan. Gacmaha iyo lugaha carruurta aadka u yaryar waxaa laga yaabaa inay midabkoodu noqdo buluug dhibcana ku yeeshaan cabowga.
Dhibaata weyn maaha laakiin daboolida lugaha iyo gacmuhu waxay ka celinayaan in taasi dhacdo.
Bartu badanaa kama muuqato marka ilmuhu dhasho. Waxaa siyaadaa midabka ay sameeyaan unugyadu (melanocytes). Waxayna ku dhacdaa carruurta markay yar yihiin ayna u furan yihiin qoraxda siyaadada ah khaasatan meelaha ay ka midka yihiin camanka, gacmaha gadaashooda.
Baraha waxaa lagaga hortegi karaa qoraxda oo si fiican la isaga difaaco. Marku qoraxdu diiran tahay, dhar khafiifa, koofiyado, haraynta
baraamka ilmaha lagu qaado iyo meel hara marka banaanka la joogo ayaa ah waxa ugu fiican oo looga hortegi karo Ilayska qoraxda (UV).

Carruurta aadka u yar, lawshan khafiifa ayaa ka fiican kareemka culus. Haddii maqaarka ilmuhu qalalan yahay, waxaa laga yaabaa in lawshanka uu ka fiican yahay kareemku.

Waa sidee agagaaraha meelaha naabiga?
Si joogta ah u bedel naabiga. Ka fogow balaastiga marada dusheeda looga xero haddii aan naabiga si isu dhow loo bedelayn. Isticmaal naabi taya fiican leh. Muhiim maaha in lagu daro kiimiko marka mishiinka dhiqido ku jiro heerkiisa ugu dambeeya.
Carruurta dhalatay iyo kuwa yaryarka ahiba waxay ka nuugaan maqaarkooda kiimika badan sidaas darteed yaray tirada waxyaallaha aad isticmaalayso oo loo istimaalo maqaarka.
Kareemka Aqueous ama sorbolene creams ayaa loo isticmaali karaa nadiifinta agagaaraha naabiga. Haddii kale meelaha naabiga waxaa lagu dhiqi karaa biya kulul.

Waa sidee timaha iyo cidyuhu?
Carruurta qaarkeed waxay dhashaan iyagoo tima badan leh. Waxaa laga yaabaa in kuwaasi ay goáan bilaha ugu horreeya inta aanay kuwa cusub oo jilicsan aanay bilaabin inay soo baxaan, tima wanaagsan ayaana bilaaba inay soo baxaan. Timaha jilicsan oo carruurta yaryarka ahi way ka duwan yihiin kuwa dadka waaweyn, kuwaas oo adag, dheer, kana xajmi weyn.
Carruurta qaarkeed waxay dhashaan iyagoo tima yar leh kuwaas oo yeesha koritaan caadi ah dabadeedna goá sanadka ugu horreeya ama labaad.
Carruurta dhalatay iyo kuwa yaryarka ah, in timaha laga jaraa muhiim maaha.
Carruurta dhabarka u jiifta kuna gurguurata waxay sahli karaan in timuhu goáan marka madaxu xoqayo dharka sariirta. Carruurta aadka u yaryar badankood, timuhu uma baahna shaambo. Haddii la doonayo in shaambo la iusticmaalo, shaambada awoodeedu yar tahay ayaa ugu fiican, waana inaad sida iyo inta ugu yar isticmaashaa.
ku dhaq madaxa saxanka dushiisa inta aadan u qubayn haddii kale ilmuhu wuxuu dhex oolanayaa biyo shaambo leh, taas oo qalajin karta maqaarka.
Midabka timaha carruurtu waa isbedelaa. Qaar ayaa ku dhasha iyagoo madow waxaana bedela tima iftiimaya marka timaha cusubi soo baxayaan.
Inay sida kale u dhacdo uma badna. Timaha guduudan ee madaxu ma muuqdaan ilaa timuhu bilaabaan inay galaan da’da lix ilaa sagaal bilood.
Xataa markuu ilmuhu weynaado, midabka timuhu waa is bedeli karaan, carruurta balloonka ah waxay timahoodu noqdaan madow markay jiraan sideed sano.

Cidiyaha ilmaha dhashay badanaa waa jilicsan yihiin waxaana laga yaabaa in aanay u baahan in laga jaro bilaha ugu horreeya. Xataa markaas ka dib way ka sahlan tahay in la gooyo cidiyaha geesaha ka soo baxaya markii loo baahdo. Cidiyuhu waxay noqon karaan kuwa fidsan ama qaab malgacadeed leh. Kani waa caadi waxayna noqdaan kuwa bedela qaabkii wareegsanaa markuu ilmuhu gaaro da’da saddex ilaa afar sano.
Mararka qaarkood maqaarka cididu ku fadhido waxaa laga yaabaa in aanay kala bixin marka u horreeya oo cididu kala baxdo. Markaas ayaa cididu riixi kartaa maqaarkii waxayna keeni kartaa barar ama guduudasho farta gacanta ama lugta dusheeda. Tani hoos ayey iskeed u aadi doontaa dawa laáan marka cididu soo mur baxdo.

Somalidoc.
rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.