Lacag Shilin soomali ah oo lagu Samenayo dalka sudan & W.maaliyada oo kahadashay.

News-(Rajonews) Wasiirka maaliyadda iyo qorshaynta Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamuud Xasan Saleemaan ayaa ka hadlay lacag shilin Soomaali ah oo in muddo ah ay daabacaaddeedu ka socotay magaalada Khartoum ee caasimaadda dalka Sudan.

Waxa uu shaaciyay in daabacaada lacagta shilinka Soomaaliga ah la billaabay sanadkii hore, ayna socoto ilaa hadda.islamarkaana uu booqday halka lagu daabacayo lacagta iyo sida loo maaraynayo,

.

Maxamuud Xasan Saleemaan Wasiirka Maaliyada Soomaalia ayaa intaas raaciyay inay adag tahay sameynta lacag u eg oo been-abuur ah, oo lakala garan karo

“Lacagta cusub waxa ay isugu jirta qaybo kal duwan oo kala ah 1000, 2000, 5000, 10,000, 20,000 iyo 50,000 shilin Soomaali.”ayuu yiri Wasiirku

Wuxuu sheegay inaan weli la go’aamin isticmaalka lacagta cusub, isagoo sheegay in loo baahan yahay diyaarinta qaabkii lagu howlgelin lahaa.

Sido kale wasiirka ayaa waxa uu ka halkdy kulan uu magaalada Khartoum kula qatay dhiggiisa Kosti Manibe Ngai, oo uu tilmaamay inay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan sidii ay iskaashi u yeelan lahaayeen labada wasaaradood.

 

 

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.