Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi oo hogaminaya so

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow ku soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo ka soo laabtay wadanka Sudan ayaa waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo xubno kale oo kale oo ka tirsan dowlada.

Wuxuu sheegay Madaxwaynaha in dowlada Suudaan uu kala soo qaybgalay sanadguuradeedii 57-markii ay xuriyada ay qaateen inkaasi ka dibna ay kulamo wada qaateen madaxda wadanka Suudaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in labada wadan ay ku heshiiyeen iskaashi walaaltinimo iyo waliba in dowlada Suudaan ay caawiso dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa carabaabay in heshiiska uu qayb ka yahay in dowlada Suudaan ay Soomaaliya ka taageerto tababarada ciidamada Booliska Soomaaliya, iyo hormarinta adeegyada bulshada.

Ugu dambayn Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in kulan muhiim ah uu la qaatay ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan wadanka suudaan isla markaana ay ka wada hadleen arimo badan oo ay ka ahaayeen xaalada dalka iyo waliba sida loo baahanyahay in ay gacan ka geesaan horumarinta wadanka.

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.