Madaxweynaha Jamhuuriyada oo Xalay Kulan la Qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Khartuum+(Sawirro)

Khartuum-(Rajonews) Kadib Safar uu Madaxweynaha Jamhuuriya Federalka Soomaaliya Dalka Sudan si uu uga Qeeyb galo Sannad Guuradii 57-aad ee Xornimada Dalka Sudan,ayuu Madaxweynuhu Maalinidii Shalay Soogaaray Magaalada Khartuum ee Caasimada Dalka Sudan.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Habeenimadii Xalay waxa uu Kulan la Qaatay Jaaliyada iyo Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Sudan gaar ahaan kuwooda ku Sugan Magaalada Khartuum ee Caasimada ah.

Kulanka Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuuud ayaa waxaa ka Qeeyb galay Masuuliyinta Safaarada Soomaaliya ku leedahay Dalka Sudan, guddiyada Arday-da Soomaaliyeed ee wax ka barta Dalka Sudan iyo Waliba Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Khartuum.

Kulanka Madaxweynaha ayaa wuxuu ahaa mid uu Madaxweynuhu Jaaliyada iyo Ardayda uga Sheekeeynayay is bedelada ka dhacay Dalka Soomaaliya Gaar ahaan Magaalada Muqdisho Mudadii uu Madaxweynuhu xilka hayay,iyo waliba sidii Ardayda iyo Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku sugan Dalka Sudan ay Qeeyb u qaadan lahaayeen Dib u dhiska iyo Hormarinta Dalka.

Madaxweyne Xasan Shiekh Maxamuud ayaa Ardayda usoo jeediyay in ay Dalka Dib ugu noqdaan marka ay Waxbarashadooda Dhameeystaan ayna Qeeyb ka qaataan Dib u dhiska Dalka iyo hormarintiisa,isagoona u balan qaaday in Dawladiisu ay Dhanka Nabad gelyada Dalka wax badan ka bedeli doonto Mudada ay Xilka hayaan.

Haddaba Halkan ka Daawo Sawirrada Kulankii madaxweynaha iyo Ardayda Soomaaliyeed ee Sudan ku sugan.

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.