Nabadoonada Gobolka Mudug oo Qodobo kasoo saaray Shir Maalmahan uga Socday Goldogob+(Sawirro)

Goldogob-(Rajonews) Kulan ka Dhacay Magaalada Goldogob ee Gobolka Mudug ayna iskugu yimaadeen Oday Dhaqameedyada Gobolkaasi ayaa waxaa looga arinsaday Xaaladaha Siyaasadeed ee Maamulka Goboleedka Puntland ee ay soo Dhowdahay Xiligii Doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland laqaban lahaa.

Kulanka ayaa waxaa ka qeeyb Galay Nabadoono ka Socday Dhamaanba Degmooyinka Gobolka Mudug,iyadoona ay ka mid ahaayeen Nabadoonadii ka qeeyb galay Kulanka Ugaas Cali Ugaas Maxamed,Suldaan Cabdirashiid Suldaan Muuse ,Suldaan Maxamed Jaamac Shire,Islaan Bashiir Islaan Cabdule,Suldaan Axmed Maxamed Cabdulle ,iyo Salaadiin kale oo ka tirsan Nabadoonada Gobolka Mudug.

Ajandayaasha Shirka Looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa
Adkeynta Amaanka iyo wada shaqeynta beelaha ee dhanka Amniga
Dib usoo nooleynta iyo horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha ee gobalka Mudug
Xasilinta xiisadaha sababay Afduubka iyo amni xumada.

iyadoona Gabogabadii Kulanka ay kasoo baxeen Qodobo ay isla garteen Dhamaanba Salaadiintii Kulanka ka Qeeyb galay waxayna u qornaayeen sida tan.

In dhamaan laga wada qayb qaato lagana wadashaqeeyo ilaalinta nabadgalyada gobolka iyo midda guud.

2- In la iska kaashado nolosha iyo hor marka ummadda midda guud iyo mida gobolkaba

3- In la ilaaliyo dhaqanka wanaagsan ee ku salaysan shareecada Islaamka dhamaana wixii inaga ba’san loo xaliyo si wadajir iyo walaaltinimo ah.

4- Wuxuu shirku ku baaqayaa is cafis guud iyo isa saamax

5- Wuxuu shirku ku baaqayaa oo la isla qaatay in shirka lasii wado oo aan la joojin ee kani uu noqdo kii bilowga ahaa inta laga gaarayo yoolkii laga lahaa shirka.

6- Wuxuu shirkani ku baaqayaa in la iska kaashado hirgalinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida dhismaha wadada Galdogob – Garacad.

7- Wuxuu shirku ku baaqayaa in dadka shacabkaa ee reer Puntland gaar ahaan gobolka Mudug, ee qafaalasho ahaanta loohaysto muddo laba bilood ka badan xuriyadoodii loosoo celiyo sida ugu dhaqsiinyahay badan, ayna fududeeyaan cidkasta oo ay khusayso soodayn doodu gaar ahaan dowladda Puntland ay xil iska saarto soodaynta Shacabkeeda.

8- Waxaa la isku dar-daarmay Alla kacabsi, walaaltinimo iyo Wadajir.

7- In lajoojiyo kala takoorka beelaha wada daga Puntland.

rajonews3@gmail.com


r

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.