Daawo: Labbada Wasiir Arima Dibadeed ee Soomaaliya iyo Ingiriis-ka oo Kulmay+(Dhageeyso)

London-(Rajonews) Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Marwo Fawsiya Yusuf Xaaji Adan ayaa waxay kulan la Qaadatay Dhigeeda Dalka Ingiriis-ka William Hague.

Kulanka Labbada Wasiir ayaa wuxuu ku Saabsanaa sidii loo xoojin lahaa Xiriika labbada Dal ee Soomaaliya iyo Ingiriiska iyo sidii Safaarada Soomaalida ee London loo hoowl gelin lahaa,maadaama Safaaradu aysan in muddo ah aysan Shaqeeyn kadib wixii ka danbeeyay Burbur-kii ka dhacay Dalka Soomaaliya.

William Hague iyo Marwo Fawsiya ayaa sidookale ka wadahadlay Shir Magaalada London lagu qabanayo Bisha May ee Sannadkan,iyadoona Shirkani uu yahay mid looga hadlayo Arimaha Soomaaliya iyo isbedeladii u danbeeyay ee ka dhacay Dalka.

Halkan ka Dhageeyso Kulanka Labbada Wasiir.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!


rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.