Sonkorowga Uurka (Gestational Diabetes).

Caafimaadka-(Rajonews) Waa Maxay Saraynta Sonkorta Dhiigga?
Saraynta sonkorta dhiigga macnaheedu waa macaanka (sonkorta) oo ku badan dhiigga. Waxaa kale ood maqli karta erayga hyperglycemia. Haweenka qaba sonkorowga haddana Uurka yeesha, iyo haweenka ay sonkorta ku dhacdo intay uurka leeyihiin, oo la yiraahdo Sonkorowga uurka waxay u baahan yihiin inay heerka sonkortooda xukumaan.
Haweenka uurka leh, heerka sonkorta dhiiggu waxay u baahan tahay in lagu hayo xadka qiyaasta oo yar una dhexeeysa 60 ilaa 120. Subaxii markaad toosto ugu horaysa, sonkorta dhiiggaaga waa inay ahaato 60-100. Marka aad cabirto sonkortaadu cuntada ka hor waa inay qorta 60-105, iyo 2 saac ka dib cuntada, 60-120. Markasta oo sonkortaadu ka badan tahay 120, aad ayey ugu badan tahay Uurka.
Haddii ay wakhtiga Uurka sonkorta kor u kacdo, waxaa surtogal ah in ay dhib u keento hooyada iyo cunuggaba.

Dhibaatooyinka cunugga:

  • Dhibaatooyin wadnaha, lafdhabarka iyo xubnaha kale oon si fiican u sameysmin bilaha hore ee Uurka hadday hooyadu qabtay saraynta sonkorta dhiigga markay Uurka yeelatay.
  • Sonkorta aad ugu badan hooyada waxay cunugga u keenta isago aad u weynaada oo keena:
  • Sambabada cunugga oo si ayar ah u kora
  • Khatar horay u dhalid
  • Khatar dhaawac inta dhalidu socoto
  • Hoosayn sonkorta dhiigga oo cunuggu marku dhasho
  • Khatar ilmaha uurka ku dhinta

Dhibaatooyinka hooyada:

  • Hadday hooyadu si xun u kontroshay sonkorowga Uurka ka hor oo dhibaato ka soo ggartay indhaha, kaliyaha ama wadnaha, way ka sii xumaan karaan inta uurku socod.
  • Gariir iyo miyir doorsooma ayaa aad caan ugu ah. Cadaadin badan ayaa kaliyaha ku dhacay tanina waxay keeni kartaa dhiig kar, barar iyo dhalid soo hormarta.
  • Haddii cunugu wayn yahay oo keentay saraynta sonkorta dhiigu,qallin (uur-doox) baa laga yaaba in looga dhaliyo. Tani waxay hooyada sii gelinaysa khatarta hurgunka iyo natiijooyinka soo kabashda oodhibaato noqda.

Maxay Saraynta Sonkorta Dhiiggu u Dhcaan?

  • Inta uurku socdo, jirkaagu wuxuu u baahan insulin badan, khaasatan saddexda bilood oo ugu dambaysa.Waxaa jira dhowr sababood oo keenta saraynta sonkorta dhiigga. Sababaha ugu caansan inta uurka socdo waxaa ku jira:
  • Isbedelka hormoonaha inta uurku socodo
  • Adiga cuna cunto ka badan qorshahaaga cuntada
  • Cunida cunto sonkorta ku badan yahay ama karbohaydraytku ku badan yahay
  • Qaadasho la’aan daawo kugu filan (insulin)
  • Dhaafid, ka boodid ama ka daahida daawada (insulin)
  • Walaac
  • Hurgun/cudur
  • Helitaan la’aan jir-dhis ku filan

Waxaa xataa dhici karta marar aadan u helayn sabata keenta saraynta sonkorta dhiigga.

Sidee Baan Dareemaya Marka Sonkorta Dhiiggu Aad U Sarayso?
Ma dareemaysid wax gooni ah marka sonkorta dhiigaagu aad u sarayso.Waa sababtaas waxay ay muhiim u tahay inaad fiiriso sonkorta dhiigaaga sida ay dhakhtarkaaga iyo kalkaalisadaadaba kugu waaniyaan. Inta badan haweenka uurka lehi ee sonkorowga qaba waxay fiiriyaan sonkorta dhiigooda 4-8 goor maalin kasta, cuntada ka hor iyo 2 saac cuntada ka dib.
Haddii heerka sonkorta dhiigaagu ay ka kormarto 120 3 beri ka badan oo isku xigta adiguna aad raacayso cuntadaadii,waa inaad la xiriirta dhakhtarkaagii ama kalkaalisadadii. Waxaa laga yaaba inaad u baahan tahay insulin inaaad bilowdo ama haddii aad insuliin qaadato, qiyaastaada waa in la bedelaa.

Maxaan Sameeya Maraan Qabo Saraynta Sonkorta Dhiigga?
Sida ugu wanaagsan ee lagu daaweeyo saraynta sonkorta dhiiggu waa adigoo isu dheeli tira cuntada, jimicsi iyo/ama insuliinka. Dib u raac dhowrkii beri oo ugu
sameysay qorshihii cuntada dhaqdhaqaaqa, daawada (insulin) iyo waraaqadaha aad ku kaydisya sonkortaadu. U fiirso isbedel kasta oo kuu macnayn kara saraynta sonkorta.

Sidee Baan Uga Hortagi Karaa Saraynta Sonkorta Dhiigga?
Waxaad uga hortagi karta saraynta sonkorta dhiigga ado raaca qorshaha sonkorowga.

  • Raacida qorshahaaga cuntada
  • Qaadashada insuliinka sidii lagu faray
  • Baaritaanka sonkortaadu iyo xafidaad jawaabaha
  • Raacida xarakaadkaaga iyo jimicsigaaga si joogto aha
  • La xiriirida dhakhtarkaaga haddaad aragto calaamada saraynta sonkorta dhiigga.
  • Raacida qorshaha xanuunkaaga haddaad xanuunsantahay.

 

 

Somalidoc

One comment on “Sonkorowga Uurka (Gestational Diabetes).

  1. In this evil disease the balance of blood sugar level is the most important factor and really it damages the blood cells and vessels too.

    Gestational diabetes

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.