Gabar 13-Jir ah oo Magaalada Boorame kusoo Bandhigtay Buug Afka Carabiga ku qoran….+(Daawo)

Boorame-(Rajonews) waxaa Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal lagu soo bandhigay Buug ku Qorran Afka carabiga ayna Qortay Gabar yaroo 13- jir ah oo kamida Dadka Reer Boorame.

Gabadhan yar ee 13-jirka ah ayaa Buugaan waxay qorreeysay Muddo Labbo Sanno ah,iyadoona Gabadhan yar ee Lagu Magacaabo Marwo Xaamud Ibraahim ay Sheegtay in ay Buuga ku Qortay Hadafka ay hiigsaneeyso Mustaqbalka iyo wax yaabaha ay Jeceshahay in ay Noqoto Mustaqbalka.

Buuggaan ayaa waxaa soobandhigay Madal lagu Magacaabo Naadiga Aqris-ka Maskax maal,iyadoona Masulliyiintii iyo Aqoonyahanadii kasoo qeeyb galay Kulanka ay Balan qaadyo u Sameeyeen Sidii gabadhaa yar looga Caawin lahaa in Hamiga ay tiigsaneeyso iyo sidii loosoo daabici lahaa Buuggaagta ay Qorto Mustaqlka Dhow.

Marwo Xaamud Ibraahim ayaa ah Gabadhii ugu horeeysay ee buug Nuucaana Qorta iyadoo Da,deedu ay aad u yartahay,iyadoona ay jirraan Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo iyagu cid Dhiiri gelisa ama ku Caawisa Howla ay hayan si ay Fekrado cusub ugu soo kordhiyaan Bulshada Soomaalida.

Haddaba Halkan Hoose ka Daawo Muuqaalka Gabadha yar ee Buuga Qortay.

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.