SANADKII GUUSHA 2013.

Qaad-(Rajonews) Marka aan dhaho sanadkii guusha waxaa durbadiiba akhristoow maskaxdaada ku soo dhici kara guushee Ololaha ladagaalanka qaadka oo socday mudo kabadan 7sano ayaad waxaad moodaa in sanadkan 2013ku noqon doono sanaadkii guusha .Aan kabilaabee Wadanka Holand ama netherlads ayaa ku dhawaaaqay in la madnuucay gebi ahaanba Soo dejinta iyo ka ganacsiga qaadka laga bilaabo 5ta Janaayo 2013 ka , Go aan kaas oo mudooyinkan danbaba la sugeyey ayaa waxaa aad usoo dhaweeyey wax garadka Soomaalida ah ee kudhaqan wadankaas siiba hooyooyinka Soomaaliyeed oo ah dhibanayaasha dhibaatadu taabatay.

Aan ku xijiyee Wadankan ingiriiska oo si xooqa qaadka looga cuno dhibaatooyin aan lasoo koobi karina uu ku hayo bulshada ayaa waxaa dowlada ingriiska laga sugayaa todobaadyada soo socda go’aan ka dhan in gebi ahaanba laga madnuuco qaadka wadanka ingiriiska iyadoo go’aanka Holand gaartay uu culays badan soo Saarayo dowlada ingriiska oo noqon doonta wadanka kaliya ee reer galbeed ah oo qaadku sharci kayahay ,taasoo keeni karta in muqayiliinta Soomaalida ah oo kunool qaarada yurub oo dhami isugu soo uruiraan wadanka UK, oo ay London noqoto Marfish weyn.

Aan kuxijiyee waxaa isa soo taraya xogta aan ka helayno dowlada federaalka ee Soomaaliya oo uu qorshuhu ugu jiro inay qorsheynayaan sidii loo xakamayn lahaa loona yarayn lahaa isticmaalka qaadka Wasiirka gaashaandhiga C/xakiin xaaji Maxamuud fiqi oo arintaas ka hadlayana wuxuu yiri waa in ciidamada Soomaaliyeed laga joojiyo gebi ahaanba cunista Qaadka si loo helo ciidan tayo leh oo uu mushaarkoodu ku filanyahay isagoo sheegay inay adagtahay in mushaarku ku filaado si walba oo mushaarka loogu kordhiyo hadii askarigu balwada qaadka leeyahay.

Aan ku xijiyo Soomaaliland wasiirka maaliyada Soomaaliland Cabdicasiis maxamed samaale iyo dowlada ayaa kor u qaaday canshuur xoog lehna saaray qaadka yimaada Soomaalilad si lacagtaas loogu daboolo qaar kamida dhibaatooyinka qadku u geysto Soomaaliland, dhanka kalena waxaa kasocda aqoon yahano badan iyo ururrada dhalinyarada Soomaaliland oo wada barnaamijyo looga wacyigelinayo bulshada dhibaatada qaadka..

Ugu danbayn tiina madax weynaha galmudug Mudane cabdi xasan Qeyb diid ayaa ku timamay dhibaatada qaadka galmudug mid aan loo dulqaadan Karin isagoo sheegay in qaadku masuul kayahay dhamaan ,falalka xun xun oo ka dhaca Galmudug oo dhan, sida burco badeeda ,isbaarada, Kufsiga, dilka iyo dhaca wuxuu kaloo madax weynuhu intaas ku daray inuu soosaari doono dhawaan go,aano ku aadan sidii wax looga qaban lahaa arimahaas.

Dhinaca puntlandna JU iyo JA kama hayno anagoo fahmi kartna in dowladu xiligaan ku mashquul san tahay geedi socodka dimoqraadiyada puntland iyo samaynta Xisbiyada waxaana la oran karaa Muqayaliinta Puntland ayaa si shanqar yar qaadkooda isaga daaqa,

Gebagebadii sanadkan 2013ka ayaa waxaa muuqata rajo weyn waxaa soo carfeysa saxansaxada guusha waxaana ku soo wejehanahay Soomaaliya inaan Soo gaarsiino ololihii qaad diid waa hadii alle idmee.

 

Abukar Awale ( Qaad diid )
Gudoomiyaha La dagaalanka Qaadka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.