Daawo: Wiil 9 Jir ah oo Ka Hadlay Damiir xumida Soomaalida kuna gabyay gabaygii Sayidka

UK-(Rajonews) Anas C/Kariin waa wiil yar oo u dhashay Soomaaliya kuna nool dalka Engriska waxa uu ka mid ahaa Soomaali ka qayb gashay kulan lagu marti qaadayay wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya Fowsiya Yuusuf, waxa uuna soo bandhigay wacdaro ka ilmeeysiiyay Soomaalidii meesha joogtay.

Inanka yar waxa uu goobta ka tiriyay gabaygii  uu Sayid maxamed Cabdille Xasan ka tiriyay Qabyaalada  isaga oo si fiican u tiriyay waxa uuna ugu jeeday Soomaalida iyo sida ay dalkoodii iyo qarankoodii ugu badasheen Qabyaalad walina ugu cad cadyihiin.

Anas ayaa waxa mudadii gabayga uu waday Ilmeeynayay qaarkamid ah dadkii ka soo qaybgalay iyaga oo shacuur ahana is badalay markii uu gabayga dhameeyay ayuu yiri qabyaalada ma fiicna.

Waxa uu ka hadlay doorkii haweenka ee Baarlamanka o loo diiday waxa uuna iyagana Tusaale ugu soo qaatay Heestii Hooyooy La’aantaa ee uu tubeec qaado, waxayna markale sii kordhisay ilmada ka qubanaysay dadka

Waxaa ugu danbayntii gacan qaaday oo labada dhanba ka dhunkatay Wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya Fowsiya oo aad uga heshay wdaniyad aka muuqata Anas Yare.

Nala Dawo.

Rajonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.