Waqtiga Colaadda Aabayaashu Waxay Aasaan Wiilashooda!!

Faallo-(Rajonews) Waa murti aan horey loo aqoon amaba aan jirin, waqtigii aan bilaabeynay dagaalada iyo fowdada,ama buula xuuftada iyo bowdya qaawiska, balse waaya aragnimo laga dhaxlay dabadeed la bartay, bal si loogu baadi goobo xasiloonidii aan waa hore xargaha u jarnay, waana jumlad macna weyn xambaarsan oo anfac u leh sida Soomaalida oo kale dadyowga ay colaaduhu ku raageen,loona baahan yahay in kalmadahani ay u noqdaan halku dhigyo ay ku baadi goobaan nabadda.

Bari samaadkii Soomaaliya inkastoo wadka loo simanaa,hadana waxaa la maqli jiray geeri da’ gaartay, sida Awoowe iyo Ayeeyo miyi ama tuulo ku go’ay,oo ay talo wada jir ah ku aaseen Casabadoodu,ama Aabe iyo Hooyo iyo waalid kaloo kadiso iyo xanuun yar dabadii ku geeriyooda xaafad si weyn looga wada yaqaan oo maalmo loo murugoodo,waxa ayna dariska iyo xigtadu ahaayeen kuwa si dhab ah isku garab taaga qoyska geeridu gashay,loomana kala hari jirin aaska iyo qurbaankaba,waxaana si weyn uga dhex muuqan jiray halkaa ubadka ay ka tageen intooda tabar galka ah,mana daboolayo in sidoo kale da’yartana uu mowdku ka adeegi jiray,waase laga saameyn badnaa xiligaa.

Dhanka kale,waa marag ma doonto in waqtiyadii dagaalada sokeeye ay ka socdeen dalkeena, jiilka sida weyn ugu hoobtay ay ahaayeen wiilasha,welina ay yihiin, Aabayaashuna ay u taagnaayeen hadiiba ay haleelaan sida ey u aasan lahaayeen,iyadoo ay u dheer tahay in wiilashoodu ay u dagaalamayaan Qabiil, Hogaamiye, ama koox aan fasax ka heysan Aabaha dhalay, mar hadii ay Aabayaasha gacantooda ka baxday awoodii ay ku xukumi jireen caruurtoodana, waxa ay sanadihii la soo dhaafay ahaayeen kuwa u toog hayay shar iyo kheyrba waxii ka soo yeera dhanka wiilashooda.

Waxaan ahay Aabe ku waayay dagaaladii sokeeye 6 wiil oo qaangaar ah, 7 sano gudahood ayaana mid waliba maalin gaara la ii soo sheegay geeridiisa,ma jirin mid xanuun iyo dharag u dhintay ee waxa ay sababsadeen rasaas ka soo dhacday wiilal kale oo ka soo horjeeda, 4 ka mid ah gacanteydaan ku aasay balse 2-da kale waxa ay ku go,een meel iga fog iyagoo dagaal ku jira,nasiibna uma aanan yeelan hadaan nolosha ku waayay inaan wax ka aaso meydkooda,sidaa waxaa si qunyar iigu sheegay Aabe ay colaaduhu garbaha ka rifeen,waana tan igu dhalisay inaan qoro sheekadaan,

Ma aha Aabahaa oo qura ee waxaa jira Aabayaal badan oo waqtiyada colaaduhu socdaan soo aasay ama aasi doona wiilashooda,hadii aan la joojin dirirta, weyna dhacday marar badan in Aabe gaari gacan loogu keenay meydka wiil uu dhalay oo xubno ka maqan yihiin,marka uu xaqiiqsaday geeridiisana loo raaciyay in intii kale uu madfac la tagay.

kuwaa maqal mooyee aan nasiib u yeelan Raq iyo Ruux halkii ay ku danbeeyeen wiilashooda,laguna soo wargaliyay in ay dad ugu war danbeysay markiiciidankii ay la socdeen ay ku soo jabeen dagaalkii ay ku jireen,kuwa kalaa qarsan jiray walwalka ay qabaan, marka uu guriga ugu yimaado wiilkooda oo qori garaarsan, maadaama aaneey ka dhigi karina, taa badalkeeda ula dhaqmi jiray sida ruux caadiya,iyaga maanka ku haya in mar ay ahaataba lagu dili doono ama uu wax ku dili doono.

Lagu soo koobi karo qalin, calool xumadda colaaduhu badaan waalidiinta,bal u fiirso maxaan u soo joognay Aabe si nabada caruurtiisa kula hurda oo madfac lagu miray, dabadeedna natiijada lagu waabariistay ay noqotay in uu halkaa ku waayo nus darsin caruura iyo hooyadood,saacado dabadeedna xabaalo qura ku aasay, iyadoo aaney jirin damqasho la mid ah tii hore oo uu ka helay dariskiisa iyo xigtadiisa.

Waan ogahay in Hooyada Soomaaliyeed iyana dhankeeda ay dagaalada dalka ka soconayay ku weyday Curadkeeda iyo yaraankeedaba,kuwa badana ay si wadara u aaseen ubadkeeda,bale waxaan garowsaday in aan murugadooda loo cabiri Karin qalin sida Aabaha oo kale oo ay ka dareen fog yihiin,si taa la mid ah lama xaqiri karo in Gabdha badan ay ku waayeen naftooda wixii dalka ka socday iyagoo aan dagaalameen, ama loo waxyeeleeyay dumarnimadooda.

Hadaanse u soo laabtu dulucda qoraalkeyga oo aheyd Aabaha iyo wiilka uu dhalay sida ay geerida isku kaalmeeyaan waqtiyada lagu guda jiro nabadda iyo colaadaha,soona qaadanaya murtidii aheyd, {WAQTIGA COLAADA AABAYAASHU WAXA AY AASAAN WIILASHOODA,WAQTIGA NABADANA WIILASHU WAXAY AASAAN AABAYAASHOOD} oo ah xikmad mug weyn.

waxaan Soomaalida oran lahaa nagu filan wixii la soo maray, aan u gudubno marxalad kale oo ka duwan xirfadihii dagaalada, lana soo baxno xafiiltan dhab ah si aan uga daba tagno bulshada asaageen ah ee cirka kala xadeysanaya,waana hubanti hadii aan u soo wada jeesano ka shaqeynta nabadda, in aan wadadaa cagta saari karno, bulshadeenuna ay gaari doonto hurumar iyo barwaaqo,dabadeedna ay Aabayaasha Soomaaliyeed marka ayajashoodu timaado rajeyn doonaan in ay wiilashoodu si maamuus leh u aasaan,halkii ay xiliyadda colaadaha u taagnaayeen aasidda Wiilashooda.

= DH A M A A D=

 

C\qaadir Max’ed Faarax, [dulyar] 
dulyar23@Gmail.com

Muqdisho,Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.