Dhool Bari (Maanso).

Maanso-(Rajonews)  “Dib maxaa idiin celinayoo hore, idiin diiday
Maruun maad ku dayataan khalqiga, libinta doonaayaa’’

Qof kasta oo si dhab ah u fiiriya waayaha Degellada iyo Dadka Soomaaliyeed –waa marka uu iska faydo daaha Tolnimada, Kooxaysiga, GobolaysigaIWM ee dahaadhaya aragtida qummane –waxa u soo baxaya heerka dibudhaca Waxbarasho, Dhaqan Dhaqaale, Maamul iyo kan Bulsho, ee aynu ku sugan nahay, marka la ina barbardhigo dadyowga bahweynta Carro-edeg. Si kale hadii aan u dhigo, marka aad sidaa u jeedaaliso dhulkeena waxa aad dheehan kartaa muuqaallada naxdinta leh ee horteena yaalla. Hadii aynaan indhaha saaban cidna ma diidi karto inaynu halbeeg u noqonnay wax kasta oo taban. Haa, waa la odhan karaa waa la is yar dhaamaa, wax se aan badnayn. Tusaale ahaan dhulka Soomaalida waxa aynu u qaybin karnaa saddex waaxood oo kala ah:-

1 –Qaybo jiritaankoodi halis galay oo dadaal ugu jira inay mar kale cagahooda isku taagaan. Hantaaqo gudeed iyo mid dibadeedna ay isugu biireen, walina kufaa kacaya.

2-Qaybo xasilan balse uu hadheeyay; Musuqmaasuq, Maamul xumo, Caddaalad daro, Eex, Qaraabo-kiil IWM. Kuwani waxa ay halis ugu jiraan inay qoddobka koowaad dib ugu noqdaan.

3-Qaybta saddexaad waa meelo nabdoon jiritaankooduna aanu halis ku jirin, ha se yeeshee ay istaagtay giraantii horumarku – maamul xumo darted.

Hadaba su’aalaha isweydiinta lihi waxa ay yihiin;

*Inagu ka Soomaali ahaan ma ognahay halka aynu taagan nahay?.

*Ma ku baraarugsan nahay in la inaga tagay?.

*Sidee baa la inoo hayaa ama maxaa dib inoo dhigay?.

*Dhaymaheenu waa maxay? Maxaa, Maxaa…?

Waydiimahaas iyo kuwa kaleba maansada tan “Dhool bari” ayaan si guud mar ah isugu dayay inaan kaga halceliyo. Shifo ku afsaar.

 

Dhool Bari

 

Dhalandhoolka waayaha

Xilliyada is daba dhacal

Dheef iyo wanaaggiyo

Xume iyo dhibaatiyo

Dhacdo lagu xasuustiyo

Midba sheeko dheer lee

Dhiiftiyo abaaraha

Ama dhamacda jiilaal

Marka dhibicu baaqdee

Sahan loo dhaqaaqee

Dadku kala dhuyaale

Inba dhinac u socotee

Dhulka laga hayaamee

Siigadu ku dhabatee

Dhudhun yaraha Adhi iyo

Geeslaydu dhimatee

Booyad dhayne saarkiyo

Biyo dhaamis noqotee

Raggu hawl la dhuubtee

Dhaforradu gotaanee

Gaarina dhalaalkiyo

Dhaashiga illowdee

Dhexda maro ku xidhatee

Laga dhaarto raaxiyo

Dhayal lays ag-seexdoo

Dhakafaarka sabankiyo

Maalmahay dhanaan tahay

Iyadoo la dholondholay

Dhibta laguma waaroo

Ruuxii dhursugayee

Dhawraaya falagguna

Rajo kama dhammaatoo

Dhamme lagama quustee

Cirka dhaysta keeniyo

Dhool bari ka muuqdaa

Dhaan loo nagayn jirey.

 

Dhibic seerma waydiyo

Gu’ga dhalashadiisiyo

Kolba heego dhigatiyo

Balli iyo dhijaamiyo

Dhul xareedi jiifiyo

Doog dharabku fuuliyo

Dhirta oo magooshoo

Man dhalaalay bixisoo

Dhaayaha u rooniyo

Dhafaruur macaaniyo

Shinni malabka dhoobtiyo

Geeloo intuu dhalay

marki dhiilka loo culay

Xoorkii is dhooroo

Dhaydiyo Karuurkiyo

Maygiyo dhanaankii

Iyagoo is dhinac yaal

Cidi aanay dhaminoo

Dharag lagu caweeyiyo

Dhallintoo is cugatoo

Shirabka iyo Dhaantiyo

Dheelaysa Heelloo

Jaan-dheerta tumatoo

Dhisme aqal la daahiyo

Yarad layska dhiibiyoo

Guur loo dhagtaagee

Guryasamo dheh Iidoow

Baryo lagu dhaqnaan jiray.

 

Dha’ ley jiiftadayduna

Af-soomaali dhaladiyo

Murti weeye dhilanoo

Siday tahay hunguri-dhubuq

Dhakhso loo hamhamiyoo

In-dhaw-aragga jeediyo

Humbul dhaadi maayee

Ruuxii il-dheerbaan

U dhawaqayaayoon

Rajo soo dhawaatiyo

Dhugo leeyay heestoo

Marna dhiillo culusiyo

Waa baaq dhambaaloo

Kasha daxalku dhoobmiyo

Dhagihii daboolmaan

Dhukaygiyo dahaadhkiyo

Dhiiqada ka tirayoon

ka dhabaandhab leeyoo

Kolba waxan ku dhayayaa

Dhidhka boogahaygoo

Xalay dhalalawgaygii

Hurdo dhaban ma saarine

Dhafar baan ku joogoo

Dhawawalanka aayaha

Anigiyo dhulkaygaa

Dood dheer wadaagnoo

Mid waliba dhankiisuu

Dhirin dhiriyay weedhoo

Dhab intaan abbaarnaan

Dhexdhexaad u hadalnoo

Dhiidhiibnay eraygee

Biya-dhaca araartiyo

Dhaabbaddiisu waatane

Bal dhagaysta sheekada.

 

Waxaan idhi dhulkaygoow:

“Illamaa dhiskaagii

Nin qabiil ku dhaatoo

Dheeraad ku raadshoo

Dadka ka kala dhawaystiyo

Dhillawyahan dulsaariyo

Daba-dhoon shisheeyiyo

Doqonkiyo dhabcaalkiyo

Nacaskiyo dhagwayntiyo

Tuug iyo dhadhamo raac

Durrujaa dhamaantii

Dhaxalkaaga yaa baday?.

 

 

 

waxan idhi dhulkaygoow

Dharaartii la joogaba

Mayd dhoolli sido iyo

Dhaawac tirada beeloo

Dhakhtarrada ka buuxiyo

Dhagar iyo shirqooliyo

Xabsi laysku dhacanshiyo

Madfac lagu dhammaadiyo

Baaruud dhacaysaa

Dhagihii na daaloo

Dhimannaye ma nooline

Ma mid aan dhamnaanbaa?.

 

Waa maxay dhulkaygoow

Daba-dheer abaarbaa

Dhuuxayga Shubatoo

Ubadkiyo dhallaankii

Caano looma dhiijoo

Dhami maatidaadii

Dhiilaha faqriga iyo

Dhoomaa la saaree

Baddan dhereran xeebtiyo

Wabiyada is dhaafiyo

Dhoobadaada wacanee

Khayraad dhex jiifiyo

Dheemanta iyo luulkiyo

Dhagaxaantan Dabahbkiyo

Buurahaagan dhumucdale

Dheeftooda yaa cuna?.

 

Waa maxay dhulkaygoow

Hashan dhudi la leeyiyo

Dhiin iyo sacaagiyo

Adhigaagan dhaaddiyo

Summaduhu ku dhigantee

Malaayiinka dhaafee

La dhaqaayo uunee

Mar dhibiiqa Shilintiyo

Laga dilo dhibiijoo

Laga duusho dhuuggiyo

Dhibta goor la mariyoo

Carro loo dhigaayiyo

Marka ceelka loo dhuro

Reer mii ku dhabar jabay

Miyaan dhiriq qadhmuuniyo

Dhibi iyo ur mooyee

Ruuxii dhex joogaa

Dhenged wuu ka daranyoo

Dheehaa ka daatee

Dhito subag la tuuliyo

Dharku hay danbeeyee

Talow caano laga dhamin?.

 

Wuxu yidhi dhulkaygii:

“Su’alahan dhinbiishaa

Bulshadaan u dhaafoo

Iyagaa dhigdhigiyoo

Macnahooda dhuuxiye

Aniguba dhankaygaan

Dhabdarada xanuunkale

La dheeldheelliyaayoo

Dhariguba kulaylkuun

Dhuuni kuma bisleeyee

Haddii aan dhandhaarradu

Dhinacyada ka haynoon

Isu dheelli-tirahayn

Dhaylo kuuma kariyee

Qaran iyo dhiskiisuna

Saasuu ka dhiganyoo

Inta dhiig sokeeyiyo

Dhaca iyo xasuuqiyo

Dhimashada jidaysiyo

Kuwo diin ku dhuuntaa

Qayrkay i dhaafshoo

Inta barasho dhigatiyo

Dhallintiyo wax-garadkiyo

Kasmo dhaadhigaygiyo

Dhakhtarkiyo aqoolkaan

Dhaymaha ka sugayee

Dhimirkooda dabartee

Xiska dhacanta saartee

Dhaleecaynta badawdiyo

Ka gabbada dhaliishee

Odayada dhammaadee

Dhulluxyada damqanayiyo

Dhaqdhaqaaja doogtiyo

Dibusocodka dhugatee

Dhakadoodu curintiyo

Dhimirlisidda diiddee

Dhalanrogad ku culusyee

Asal lagu dhagnaadiyo

Dhagaxawga yeelee

Dharag uun ka talisee

Kamballada dhabacatee

Iga galay dhufayskaan

Li’idood dhutinayaa.

 

Xilka kaan u dhiibtee

Walle iigu dhaartee

Wacadkii dhantaalee

Hantidayda dhuuqaa

Dhibka ii horseedoo

Kuwa dhuuqsan duubkee

Boqolaalka dhaafee

Kursi dhinaca joogee

Xaqa dhagaxa saaree

Markastaba dhawaaqaa

Dhaqankayga biiyoo

Inta Qaadka dhilatee

Noloshii ka dhacayee

Waqtigooda dhumisee

Shilinkooda dhiibtaa

Iga guray dhaqaaloo

Inta sibiq dhaqaaqdee

Saxaraha ku dhugucdee

Dhul shisheeye aaddiyo

Inta dhoof ku maqan baa

Dhaxan igu bannaysayoo

Inta dhuxusha shidatee

Dhirta iga idlaysaa

Xaabkii dhammaysaa

Iga dhigay bannaanada.

 

Bal ogaw se dheeroow

Wixii dhabanna haysiyo

Dhakafaar la soo maray

Isma dhiibin aniguye

Waxan dhawaryaa wali

Soomaali dhalatoo

Dhudhun iyo awoodiyo

Dhiig iyo dareenloon

Daba dhilif ahaynoo

Dhinacyada is haystoo

Dhibran oo is jeceloo

Nabarkii dhexdoodiyo

Dhiriftii illoowdoo

Dhididkooda maaloon

Dawarsiga dhunkaashiyo

Sunta dhabaqsigeediyo

Deeq aan dhursuginoo

Gobonimada dhimatiyo

Sharaftooda dhawrtoo

Magaceena dhaadhacay

Dhiiqada ka qaadoo

Dhaska iga garaacdee.

 

Waxan dhawrayaa wali

Axmed Gurey dhashiisiyo

Faarax Nuur dhugtiisiyo

Dhamacdii Darwiishkiyo

Dhiirranoow Aweysiyo

Bashiir dhiidhigiisiyo

Dhawaqii Suldaaniyo

Barkhad dhaayihiisiyo

Dhammi geesiyaashii

Dheddig iyo labooodkaba

Dhihid laguma koobee

Usha kulul la dhici jiray

Dhidarkiyo gumaystaha.

 

Waxan dhawrayaa wali

Dhallintii xornimadiyo

Leegada dhiggoodiyo

Dhagaxtuur kolay tahay

Raggii dhiirranaayee

Dhagxumada ka diriraay

Iyo dhaadashada guud

Markay dhacanto Maandeeq

Dhicinteeda awgeed

Nafhur uugu dhiman jiray.

 

Hadal iyo dhammaantii

Warka lama dhabqiyo’oo

Dhexda lama sudhnaadoo

Dhurmi maayo aniguye

Dhoohane dadkaygoow

Qofu maanku dheeliyay

Dhanjaf lagama cuudshee

Dhakhtar aynu aadnee

Dhibta maysla qirannaa?!

Dhammaad.

 

Allaa Mahad Leh

 

W/T: Hal-aqoon:

Cali X.Maxamed Cabdi (Cali Ileeye)

Biligdire/Facebook : naleye99@hotmail.com

One comment on “Dhool Bari (Maanso).

  1. waa ku salaamay abwaan aad iyo aad ayeey u quruxbadan tahay maansadu waana dhaxlgal runtii, dhulku ha dhowro waa joogaan ragii hore kuwa lamid ahe inshallaahu waa leeysku duubmaa. dhulkana waa la camiraa Soomaalina dhibkaan waa ka baxeeysaa wax qabadna waa loosoo jeestay dagaalna waa dhamaaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.