Deegaanada Maamulka Ximan & Xeeb oo Hormar Balaaran Sameeyay Dhoowr-kii Sanno ee u Danbeeysay+(Sawirro+Muuqaal)

Cadaado-(Rajonews) Maamulka Ximan iyo Xeeb waa Mid kamida Maamul Goboleed-yada dhoowr-kii Sanno ee u danbeeysay Dalka Soomaaliya kusoo biiray,iyadoona Maamulkani uu ka Taliyo Deegaano ka Tirsan Gobollada Galguduud iyo Mudug ee Bartamaha Soomaaliya.

Maamulka Ximan & Xeeb oo hadda Dhisan Mudo ku dhow Seddex Sanno iyo bar ayaa wuxuu ku Tilaabsaday Horuumar aad u baaxday Weeyn hadii ay ahaan laheeyd Dhanka Nabad Galyada Deegaanada uu Maamulku ka Arimiyo,Dhanka Wax barashada, Hormarinta Arimaha Bulshada Sida Caafimaadka, Sportiga,iyo Dib u Dhiska Deegaanada hoos taga Maamulka.

iyadoona mudada yar ee Maamulkani uu Dhisnaa ay Sabab u tahay in Horuumarkaa uu ku Tilaabsado iyadoo Masuuliyiinta Maamulka Ximan & Xeeb ay Noqdeen kuwo u istaagay sidii ay Deegaanada ay Maamulaan wax Muuqda uga qaban lahaayeen,ugana soo bixi lahaayeen balan qaad-yadii ay u sameeyeen Dadka Deegaanka Ximan iyo Xeeb markii la doortay kadib iyo iyado Ganacsatada, Qurbo joogta,iyo Aqoonyahan intaba aan loo kala harrin sidii Hamiga Maamulka loo Dhabeeyn lahaa wax muuqdana uu u qaban lahaa mudada uu dhisan yahay Maamulkani.

Waxyaabaha uu Maamulka Ximan & Xeeb uga duwan yahay Maamul Goboleed-yada kale ee iyagu Magac ahaan u jira ayaa ah in uu Isbedel Muuqda ka Sameeyay Qeeybaha,Ammaanka, Waxbashada ,Caafimaadka ,Hormarinta Arimaha Bulshada,Sportiga & iyo waliba dib u dhis Ballaaran oo uu ku Sameeyay Deegaanada uu Maamulku ka Arimiyo.


Maxamed Cabdullaahi Aadan (Tiiceey) oo ah Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa wuxuu lasoo baxay Hoowl karnimo,Waxqabad,Daacad-nimo iyo Cadaalad uu ku kasbaday Dhamaanba Shacab weeynaha ku abtirsada Maamulka Ximan & Xeeb haddii ay ahaan lahaayeen Qurbo Joog iyo Dal Joog intaba ,iyadoona taa ay u sahashay Madaxweyne Tiiceey in ay u hirgalaan wax yaaba badan oo uu ku haminayay in u Qabto mudada uu Madaxweynaha ka yahay Maamulka Ximan & Xeeb.

Madaxweyne Tiiceey ayaa Mudadii uu Xilka hayay waxaa u hirgalay in uu isbedel Weeyn kusameeyay Dhanka Nabad Galyada Deegaanada Ximan iyo Xeeb Min Tuulo ilaa Magaalo,iyadoona Deegaanada uu Maamulka Ximan & Xeeb uu ka Arimiyo ay ka midyihiin Meelaha ugu Nabada Wanaagsan Soomaaliya,wuxuu sidookale Maamulku isbedel Muuqda ku Sameeyay Qeeybaha Wax Barashada iyadoona Deegaanadaa laga hirgeliyay Iskuulo, Jaamacado, iyo xarumo lagu Barto Farsamada Gacanta,iyadoona Maamulku uu Wax barashada garsiiyay Dhamaanba Tuulooyinka Hoos Yimaada Dhulka uu ka Taliyo.

Dhanka Caafimaadka ayuu Maamulku wax badan ka Qabtay iyadoona Dhamaanba Isbitaadii Deegaanka dib loo hoowl geliyay,halka kuwo Cusub-na lagu so kordhiyay,iyadoona sidookale Maamulku u fududeeyay Helida wax yaabaha ay u Baahanyihiin Isbitaaladu sida Gaarida Ambalaasta,Dawooyinka, Sariiraha Bukaanka, iyo Dhamaanba Qalabka Daruuriga ah isbitaalada,iyadoona taasi ay Sabab u noqotay Dadka Ximan iyo Xeeb oo markii Hore Meel ka fogfog u aadi jiray Hoowlaha Caafimaadka Sida Muqdisho iyo Meelo kale ay ka Kaaftoomeen Daryeel Caafimaad oo dhameeystirana ay ka Heleen Deegaanadooda.

Dhanka kale Magaalada Cadaado ee Caasimada Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa intii uu Maamulkani ka jiray waxa ay ku talaabsatay Hormar balaaran,iyadoona laga dareemayo isbedel dhanka Bilicda ah oo ay Magaaladu ku talaabsatay Mudo aad u yar,iyadoona hadda Magaalada Cadaado ay kamid tahay Magaalooyinka Soomaaliya kuwooda ugu qurux-da badan,iyadoona sidookale Magaalada ganacsi ballaaran uu ka furmay Maadaama ay Qurbo joog badal ay dib ugu noqdeen Magaalada ayna ku Sameeyeen Maal gashi si ay dib ugu sooceliyaan Bilicda Magaalada Cadaado ee Caasimada u ah Maamulka Ximan & Xeeb ee Bartamaha Soomaaliya.

Maamulka ayaan sidookale ka gaabin Dhanka Sportiga,Shaqo u abuurida Dhalinyarada iyo Wacyi gelintooda iyadoona Maamulku uu Sannadkiiba mar ama labba mar uu u Qabto Koob ay ka qeeyb qaadanayaan Dhamaanba Degmooyinka Maamulka Ximan iyo Xeeb,iyadoona Maamulku uu u fududeey Garoomadii ay Dhalinyaradu ku Ciyaari laheeyd,Qalabkii ispoortiga,iyadoona ay Arintani kamid tahay wax yaabaha hormuudka u ah Nabad galyada iyo is dhexgalka Bulshada.


Maamulku sidookale wuxuu ku Guuleeystay in uu Kooxihii Burcad Badeeda Gobolada Dhexe ka Ugaarsan jirtay maraakiibta in ay wacyi gelin usameeyaan,iyadoona Dadaal iyo Wacyi gelin badan kadib ay u Suurta Gashay Maamulka Ximan iyo Xeeb in ay ka Suuliyaan Kooxihii Burcad badeed-da Deeganada ay Maamulan,iyadoona Maamulku uu ku talo jiro in uu Shaqooyin u abuuro Dhalinyaradii horay ugu Jirtay Kooxahaasi Burcad badeed-da oo iyagu ah kuwo Dhibaato baahsan ku hayay Maraakiibta Soomaalida u raran iyo Kuwa Caalamka kale u kala gooshaya ee mara Badweeynta India.

ugu Danbeeyay Maamulka Ximan & Xeeb ayaa wuxuu noqday Maamulka kaliya ee wax qabad Muuqda layimid mudadii uu dhisnaa marka laga hadlayo Maamul Goboleed-yada faraha badan ee ka Dhisan Gobolada Dhexe ee Soomaaliya,iyadona ay jiraan Maamul Goboleed-yo wax qabad iska daaye aan tagin karin xataa Deegaanada ay ku Magacaaban yihiin sida Ceelbuur State, Somali Central State, Galhiiran & Mudug State,Mareeg State,Dooxa State iyo kuwa kalaba oo iyagu Qurbo Joog ah aysan Suurta gal u aheeyn in ay tagaan Deegaanada ay Madaxweyna-yaasha u yihiin,iyadoona ay ka taliyaan Kooxaha Al-shabaab (Alqaacida) iyo Ahlusunna Waljameeca(Suufiya).

 

Maamulka oo Burcad badeedii ka Sifeeyay Deegaanada uu Maamulo.

Bilicda Magaalada Cadaado oo Xarun u ah Maamulka

Qurbo Joogta Ximan & Xeeb oo Kaalin ka geeysanaya Hormarka

Cusbitaalada Deegaanada Maamulka Ximan iyo Xeeb

rajonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.