Dib-U-Eegis Lagu Sameeyey Qaab Dhismeedka Wasaaradaha Dowlada Qaarkood.

Muqdisho- (Rajonews) Shir Jara’id oo uu xalay ku qabtay xafiiskiisa Xooghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamuud Xirsi Cabdulle ayaa ka hadlay dib-u-eegis lagu sameeyey qaab dhismeedka qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda, ka dib markii ay soo gaareen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha baahi loo qabo in la kala qeexo howlaha wasaaradaha qaarkood.

Waa tan Dikreetadii oo dhamaystiran:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliyeed.

 

 

Markuu arkay:            In loo baahan yahay in dib loo eego xilalka

                 qaab- dismeedka Wasaaradaha qaarkood,

 

Markuu arkay:            Markii ay soo gaareen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha in baahi

               loo qabo in la kala qeexo hawlaha Wasaaradaha qaarkood;

 

Markuu tix-geliyey:   Markii uu la tashi buuxa la sameeyey dhinacyo kala duwan oo xog-oggaal u ah farsamada maamulka dowladda;

Marku tix-geliyay:     Qodobada 97, 99, 100 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed

 

Wuxuu soo saaray Xeerkan:

 

Qodobka 1-aad

Waxaa is-beddel lagu sameeyey magacyada wasaaradaha soo socdo:

 

a)  Wasaaradda Arimaha Dibadda waxaa hadda kadib ay noqon doontaaWasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxaana la raaciyay howlihii iskaashiga Caalamiga ah.

b)  Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaa hadda kadib ay noqon doontaa Wasaaraadda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka.

c)  Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iy Dekedaha, waxay hadda ka dib ay noqon doontaa Wasaaradda Howlaha Guud, Dekedaha Iyo Gaadiidka Badda,waxaana la raaciyay hawlihii dhalinta iyo qaybihii korontada.

Qodbka 2-aad

Dhammaan howlihii la xiriiray Dalxiiska iyo Duurjoogta waxay si KMG ah u hoos tagayaanXafiiska Raiisulwasaaraha.

Qodobka 3-xaad

Wasiirada, Wasiiru-dowlayaasha iyo Wasiir-ku-xigeenada Wasaaradahaasi wax isbedel ah laguma samayn.

       

Shaqo Wacan

Rajonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.