Guddoomiyaha Urur-ka Xisbullaah oo Weerar Afka ah ku Qaaday Madaxweyne Faroole+(Dhageeyso)

Hargeeysa-(Rajonews) Sheekh Maxamuud Cabdulaahi oo ah Guddoomiyaha Urur-ka Xizbullaah dhowaana Dowlada Somaliland ay Xabsiga Dhigeen ayaa wuxuu Shacabka Maamul Goboleedka Puntland ugu baaqay in la Dagaalamaan Dowlada Madaxweyne Faroole oo ay iska Dulqaadaan.

Wadaadkan aya Dadka ugu baaqay in ay Shareecada islaamka isku xukumaan iskana dulqaadaan waxa ugu yeeray Duliga dul saaran ee Awooda ku heeysta,isagoona Waliba Masuuliyiinta Maamulka Puntland ku sheegay in ay yihiin Munaafiqiin mudan in leeyska dhiciyo oo Xukunka laga tuuro.

Sheekh Maxamuud Cabdulaahi ayaa isagu ah Wadaad Dhoowr jeer lagu xiray Magaalada Hargeeysa oo uu uga dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed Hoos taga Kooxda Alshabaab ee ka Dagaalanta Konfurta iyo Bartamaha Soomaaliya,iyadoona ay u muuqato Fashilkii uu kala kulmay Siyaasada Somaliland kadib inuu bilaabay inuu Dab ka Dhax Shido Shacabka Puntland iyo Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Cabdiraxmaan Faroole oo 8-dii Bishaan Janaayo uu ku ekaa  Mudadii loogu doortay Madaxweynaha  Puntland.

Haddaba Halkan Hoose ka Dhagayso Hadalka Sheekh Maxamuud Cabdulaahi Geelle

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.