Nolosha Haweenka Soomaaliyeed ee Qaxootiga ku ah Xeryaha Kenya(Daawo Muuqaal Murugo badan)

Kenya-(Rajonews) Haweenka Soomaalida ee ku Nool Xerayaha Qaxootiga Dalka Kenya ayaa waxay Cabasho xoogaan ka muujiyeen Dhibaatooyin lagu hayo Noloshooda.

Haweenka Soomaalida ee Qaxootiga ku ah Xerada IF2 ayaa waxay muujiyeen Cabashooyin ku aadan Kufsi baahsan oo lagu hayo Gabadhaha yaryar, Hooyinka Xaalimada ah iyo kuwa Umusha ku jiraba,iyagoona Haweenkani codsaday in Dalkoodii dib loogu celiyo si ay uga baxaan Nolosha Qalafsan ee ay ku noolyihiin.

Haweenka Qaxootiga ah Xerada IFo2 ayaa ah ku dhowaan kusoo Qaxay Xeradaa ka dib Duulaankii ay Ciidamada Kenya ku galeen Guddaha Soomaaliya Gaar ahaan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo,iyadoona Haweenkani ay Muujiyeen in nabad Galyadii iyo Noloshii ay ku heeysteen Dhulkooda hooyo aysan hadda heeysan Dowlada Kenya oo u balan qaaday in ay Ammaankooda sugeeysana aysan wax ka qaban dhibaatooyinka baahsan ee lagu hayo Dadka soomaaliyeed ee Qaxootiga ku ah Guddaha Dalka Kenya.
Halkan Hoose ka Daawo Haween ka Cabanaya Dhibaatooyin ay kala Kulmaan Rag Burcad ah.

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.