Sheikh Cali Dheere oo Sheegay in Soomaaliya loo Qeeybiyay Dawlado Afrikaan ah+(Dhagayso)

Muqdisho-(Rajonews)  Shir jaraa,id oo Xalay bahda Saxaafada u qabtay Afhayeenka Kooxda Alshabaab,ayuu wuxuu kaga hadlay Xaaladihii u danbeeyay ee Dalka iyo deegaanadii ay Ciidamada Dowladu ka qabsadeen iyagoo garab kahelayaa Ciidamada Midow-ga Afrika ee Amisom.

Afhayeenka wuxuu Shirka uga hadlay Joogitaanka Ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan Gudaha Dalka Soomaaliya,iyagoona sabab u ahaa in Urur-ka Alshabaab laga Saaro dhul balaaran oo kamida Konfurta Soomaaliya.

Sheikh Cali dheere ayaa wuxuu sheegay in Dalka Soomaaliya uu galay Gumeeysi cusub,isagoona sheegay Labbada Dowladood ee Kenya iyo Itoobiya ay Qeeyb sadeen Gobolada Konfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Dowlada Itoobiya waxaa la siiyay Gobolada Bay,Bakool,Gedo oo Dhamaantood ka tirsan Konfurta Soomaaliya, iyo waliba Gobolka Galguduud iyo Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya,isagoona Sidookale Sheikh cali dheere uu Sheegay in Dowlada Kenyana lasiiyay Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubadda Dhexe ee Konfurta Soomaaliya.

Afhayeenku sidookale wuxuu sheegay in Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo Labbada Shabeelle lasiiyay Dowladaha Ugandha iyo Brundi oo imika ay Ciidamadoodu ku suganyihiin iyagoo Garab siinaya kuwa Dowlada Soomaaliya.

 

Halkan ka Dhagayso Shirka Jaraa,id ee Sheikh Cali Dheere.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.