Wasiirka A-guddaha oo booqasho ku tagay Degmada Afgooye iyo Rag la Maxkamadeeyay+(Sawirro)

Afgooye-(Rajonews) Wafdi uu Hogaaminyay Wasiir-ka Arimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka ayaa wuxuu booqasho kutagay Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Wasiirka iyo Masuuliyiinta la socday aya waxay Afgooye uga qeeyb galeen Shir looga arinsanayay Nabad galyada Gobolka Shabeelada Hoose,iyadoona Shirkan ay sidookale ka qeeyb galeen Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose oo iyagu Shirkan soo qabanqaabiyay.

Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa wuxuu sidookale kulan la qaatay Saraakiisha ciidanka ka hoowl gala Gobolka Shabeelada hoose,iyadoona gabagabadii Shirkan ay Wasiirka iyo Saraakiisha Ciidankuba Go,aano kasoo saareen iyagoona Ciidamada Dowlada ee Shacabka dhibaateeynaya Digniin u diray,uguna baaqay in ay Nabad galayada ka shaqeeyaan Dhibaateeyntana ay ka daayaan Dadka Shacabka ah.

waxa sidookale Xukuno kala duwan lagu xukumay Dhalinyaro la sheegay in ay Darees-ka Ciidamada Dowlada ku dhibaateeynayeen Dadka Shacabka ah,iyagoona kula kacay Kufsi ay ka geeysteen Deegaano hoos taga Gobolka Shabeelada Hoose.

iyadoona Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida Jen. Mungaab uu sheeegay in cid waliba oo lagu helo Dhibaateeynta Dadka Shacabka ah in Maxkamad lasoo taagi doono Ciqaabtuu muteeystana la saari doono,isagoona u digay Raga Kufsiga kula kaca Haweenka uu sheegay in Dil Toogasho ah lagu xukumi doono Shaqsigii lagu soo qabto isagoo howlahaa ku jira.


rajonews3@gmail.com

Xuquuqda Sawirada R-muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.