Magaalada Marka oo dhalinyaro badan lagu xirxiray

Muqdisho(Rajonews)Kadib howlgalo ay sameeyeen ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ku xir xireen dhalinyaro badan.

Dhalinyarada la xerxeray habeenkii xalay ilaa waaberigii saaka ayaa la sheegayaa inay gaarayaan ku dhawaad 20 ruux,kuwaasi oo badankood lala xiriirinayo inay ka tirsan Alshabaab.

Xerritaan xalay ayaa ka dambeeyay markii magaalada Marka ay ka dhaceen qaraxyo lala eegtay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOm ee ku sugan magaalada Marka.

Saraakiisha ciidamada dolwada eeku sugan magaalada Marka ayaa sheegay in dhalinta la xeray la dhigay saldhiga magaalada islamarkaana baaritaano ay ku socdaan sida ay sheegeen.

Dhalinyarada badankooda la xiray ayaa waxaa lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Ururka Al-Shabaab ayna ka dambeeyaan qaraxyada inta badan ka dhaca Magaaladaasi.

Magaalada Marka labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay dilalka iyo qaraxyada qorsheysan oo loo geysanayo masuuliyiinta dowlada,waxaana arintaan ay kusoo aadeysaa iyadoo shalay lagu arkay magaalada waraaqado digniino ah.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.