Qarax ciidamo ka tirsan Dowladda lagu tuuray oo Shacab ay dhibaato kasoo gaartay

wp-image-18901″ />Muqdisho(Rajonews)hal ruux ayaa geeriyooday saddex kalena waa ay dhaawacmeen kadib markiki qarax loo waday ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay dadkaasi waxyeelo kasoo gaartay.

Qaraxa oo aa bambada nooca gacanta laga tuuro ayaa waxaa lagu weeraray ciidanka xilli ay marayeen meel udhaw Kaam ay dagan yihiin barakacayaal oo ku yaala Degmada Hodan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in hal ruux oo shacab ah iyo sidoo kale saddex ruux oo kamid ahaa dadka barakacayaasha ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Qaraxa kadib ciidamada Dowladda Soomaaliya waxa ay fureen rasaastaasi oo aan geysan wax khasaaro ah sidoo kalena waxa ay sameeyeen ciidanka howlgalo baaritaano ah.

Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaaka dhaca qaraxyada lagu weeraro ciidamada Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo khasaaro kala duwan shacabka uu kasoo gaaro.
Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.