Safiir America oo booqday Xabsi Dhalinyaro Soomaaliyeed ay ku jiran oo Kenya ku yaal+(Sawirro+Daawo)

Nairobi-(Rajonews) Safiirka Soomaaliya ee Dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa maanta kormeeray xabsi ku yaala magaalada Mombasa oo ay ku jiraan dhalinyaro Soomaali ah oo burcad badeednimo ku eedeysan.

Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa saakay oo jimce ah ku aaday magaallo xeebeedka Mombasa kormeer uu ugu kuurgalayo sida ay noloshooda tahay maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada ku yaala magaaladaasi ayadoo safiirkana uu si gaar ah u kormeeray xabsi ay ku jiraan in kabadan 100 dhalinyaro oo qaarkood sanaddo xabsi ah lagu xukumay kadib markii lagu helay dambi la xiriira burcad badeednimo.

Safiirka oo salaadda Jimcaha la tukaday maanta maxaabiista ku jirta xabsigaasi ku yaala magaalada Mombasa ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso sidii dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada Mombasa dalkooda loo keeni lahaa si ay ugu dhameystaan mudada xabsiga ah ee lagu xukumay.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa indha dheeyey sida ay tahay noloshooda dhalinyarada Soomaaliyeed ee xabsigaasi ku xeran, halka ay seexdaan,caafimaadkooda iyo cuntada la siiyo waxaana uu kala hadlay safiirka saraakiisha heysata xabsigaasi inaanay lagu xadgudbi Karin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xabsigaasi ku xeran.

Kormeerkan uu safiirka Soomaaliya ee Dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ku tagay xabsigan ku yaala magaalo xeebeedka Mombasa ayaa qeyb ka ah kormeerro uu safiirku ugu kuurgallo had iyo goor nolosha ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed ee Dalkaasi ku nool.

X-radiomuqdisho

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.