Dhagayso-Warar-kii ugu danbeeyay Weerar Xalay ka Dhacay Magaalada Buulo-mareer.

B-mareer-(Rajonews) Wararka laga helaayo Degmada Buulo Mareer ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi xalay diyaarado dagaal iyo ciidamo shisheeye ay ka fuliyeen weerar khasaaro geestay.

Saacada marki  ay aheyd saqdii dhexe ee xalay 2:00 ayaa diyaarado dagaal oo tiradooda ay gaareyso ilaa 3-diyaardood waxa ay weerar ku qaadeen degmada Buulo Mareer halkaasi oo la sheegay in lagu haysto nin udhashay dalka faransiiska.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in marqura ay maqleen dhawaqa diyaarahada iyo sidoo kale ciidamo markaliya soo daatay.

Ciidamo badan ayaa la sheegay inay dhulka ku daateen kuwaasi oo watay hubka noocyadiisa kala duwan waxaana la sheegay in ciidanka dhanka Shabaab ay iska caabin xoogan kala kulmeen.

Wararla ayaa sheegaya in saaka Degmada lagu arkay ilaa saddex ruux oo meyd ah kuwaasi oo kamid ah dadka deegaanka sidoo kalena hal ruux oo ciidanka ajnabiga ahaa uu ku jiro.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha laga leeyahay dalka faransiiska kuwaasi oo doonaye inay xoog kuso furtaan sarkaal 2009 laga afduubtay hoteelka Saxafi ee Magalada Muqdisho.

Buulo Mareer ayaa hada waxaa lasoo buuxdhaafiyay ciidamo badan iyo sidoo kale gaadiid ubadan kuwa lidka diyaaradaha iyadoo Shabaab ilaa iyo iminka aysan ka hadlin arintaan.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.