Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo Dalka Dib ugu soo noqotay.

  • Muqdisho-(Rajonews) Wasiirka Arimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah Marwo Fawsiya Yusuf H.Adan oo Tobodaad-kan Safaro ku kala bixisay Dalalka Ingiriis-ka iyo Tayaaniga ayaa Maanta waxa ay Dib ugu soo noqotay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Wasiirka Arimaha Dibada ayaa waxaa Garroonka Dayuuradaha Adan cadde kusoo dhoweeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada ,Goloha Shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir,iyadoona sidookale faahfaahin ka bixisay Safaradeedii ay kusoo kala bixisay Dalalka Ingiriis-ka iyo Talyaaniga.

Marwo Fawsiya oo iyadu kulan la qaadatay Masuuliyiin katirsan Dowlada Ingiriis-ka intii ay ku sugneeyd halkaa ayaa kadibna usii gudubtay Magaalada Rome ee Dalka Talyaaniga iyadoona sidookale Kulan laqaadatay Wasiirada Arimaha Dibada iyo Cadaalada Dalka Talyaaniga iyadoona kala hadashay sidii loo xoojin lahaa Xiriir-ka ka dhaxeya Dalalka Ingiriiska ,Talyaaniga iyo Soomaaliya.

Wasiiradu waxa ay sidookale kor meer kusoo sameeysay Dhamaanba Hantididii Dowlada soomaaliya ku laheeyd Dalka Talyaaniga sida dhismihii Safaarada Soomaaliya iyo kii Qunsulkaba,iyadoona sidookale Marwo Fawsiya kulan la Qaadatay Masuuliyiin ka socotay Hey,ada WFP intii ay ku sugneeyd Dalka Talyaaniga iyadoona Sheegtay in ay inbadan oo ay kawada hadleen ay isla meel dhigeen iyada iyo Masuuliyiinta WFP.

 

rajonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.