Guddoomiye Tarsan ma Aqbali doono Anshax Xumada Soomaalida Reer Yurub iyo Amerika ay ka wadaan Xeebta Liido(Dhagayso)

Muqdisho-(Rajonews) Xili ay soobadanayaan Qurba Joogta Dalka Dib ugu soonoqonaya una damaashaad tagay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta Amaro Digniin ah kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa wuxuu Maanta Sheegay in aan loo dulqaadan doonin Dadka Anshax xumada iyo wax yaabaha aan Dhaqanka Soomaalida iyo diinta Islaamkaba aan Munaasib-ka ku aheeyn lataga xeebaha Magaalada Muqdisho aan loo dulqaadan Doonin Maamulkuna uu talaabooyin Sharciga waafaqsan ka qaadi doono cidii lagu helo Anshax xumo uu sheegay in ay kusoo badaneeyso Xeebaha Magaalada Muqdisho.

isagoo si gaara Digniin ugu jeediyay Soomaalida Qurbo joogta ah ee katimaada Qaaradaha Yurub iyo Ameerika,iyadoona Guddoomiye Tarsan uu sheegay in ay Ciidamada Nabad Sugidu ay Fasax u heeystaan in ay Xabsi u taxaabaan Shaqsiyaadka Xeebaha u taga Dhaqan Xumada.

 

Haddaba Halkan ka Dhagayso Khudbada Guddoomiye Tarsan.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.