Madaxweynaha Soomaaliya oo Washiton DC ku soo jeeda asbuucan

USA-(Rajonews) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa in asbuucaan ay soo gaaraan Caasimada dalka Maraykanka ee Washiton DC isaga oo uga qaybgalaya shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya.

Socdaalka Madaxweynaha oo aan ka xaqiiqsanay ilo xog ogaal ah ayaa waxaa ku wehlin doona qaar kamid ah Wasiirada dowlada, Xildhibaano, iyo Xubno ka tirsan Madaxtooyada, waxaana lagu wadaa in uu madaxweynuhu kulamo la qaadan doono madax ka kala socota wadamo badan oo isugu imaanaya kulan looga xaajoonayo arimaha Soomaaliya iyo sidii dowlada loo cawin lahaa.

Madaxweynaha ayaa waxa uu socdaalkiisani noqonayaa midkii ugu horeeyay ee uu ku yimaado dalka Maraykanka tan iyo intii la doortay waxa uuna socdaalo horay ugu tagay wadamo ay ku yaala Africa, iyo dalka Turkiga oo uu dhamaan kala hadlay sidii ay isku garab taagi lahayeen dowlada Soomaaliya.

Ma cada in uu Madaxweynuhu soo gaari doono gobolada ay Soomaalidu daganyihiin, waloow ay Soomaalibadan ku hanweynyihiin uu la hadllo, waxayse wax walba ku xirnaan doonaan qorshahooda socdaal iyo sida ay u Maareeyaan.

Dowlada Maraykanka ayaa la filayaa in ay dowlada Soomaaliya ka caawiso dhinacyada Amaanka iyo dhaqaalaha, sidii ay horayba u sheegtay Xog haye  Hillary Clinton.

Wixii ka soo kordha kala soco wararka danbe.

Rajonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.