Waa maxay Dareenka Murugada? Ma isku aragtay calaamadahan Dhaqtarkaaga u tag Fadlan

Health-(Rajonews) In la murogoodo ama aan la faraxsanayn waa iska caadi marka ay wax qaldamaan ama uu qof kaa dhinto.
Dareennadaan waxay badanaa la tagaan waqtiga waadna ka soo fiicnaanaysaa.
Haddii dareennadaan ay aad u daran yihiin ama ay saameynayaan nolol maalmeedkaaga in ka badan 2 toddobaad, takhtarkaaga u tag. Daaweyn ayaa ku caawin karta.

Calaamadaha
# Xiisaha aad u hayso waxyaabaha aad ku raaxaysato oo kaa luma
# In aad dareento degganaansho la’aan
# In aad in badan huruddo ama aad hurdi weydo
# In aad dareento in aad mar walba daallan tahay ama tamar la’aan
# In aad cayisho ama caatowdo
# Rabitaanka cuntadu kaa lumo
# Ay kugu adkaato u kuurgeliddu ama xusuustu
# Aad dareento rajo la’aan, denbiilennimo, wax laguma-fale ama ciirsi-laawe
# Uu madaxu ku xanuuno, calooshu ku xanuunto, dhibaato xagga saxarada ah, ama xanuun aan ka soo raynayn marka la daaweeyo
Haddii aad qabtid mid ka mid ah calaamadahaan wax ka badan 2 toddobaad ama aad ka fekereyso inaad naftaada wax yeesho ama kuwo kale, takhtarkaaga u tag. Waxaa laga yaabaa in buufis ama diiqo ku hayso.

Daryeelkaaga
Tallaabada ugu horreysa ee lagu soo bogsoonayo waa in aad la hadasho qof ku caawin kara. Kaasu waxaa laga yaabaa inuu yahay takhtarka ama la taliye. Daryeelkaaga waxaa laga yaabaa in ay ku jiraan daawo iyo la talin.
Halkaan waxaa ah waxyaabo aad sameyn karto oo ku caawin kara:
# Cun cunto caafimaad leh kana fogow cuntooyinka qashinka ah.
# Biyo fara badan cab.
# Ka fogow aalkolo iyo mukhaadaraadka waddooyinka.
# Isku day inaad hesho 7-8 saacadood oo hurdo ah habeen kasta.
# Fir-fircoonow, xataa haddii aadan dareensaneyn sidaas.
# Qorsheyso hawlo maalmeed.
# Maalin walba bartilmaameed aad sameyn karayso u sameyso, sida hawl yar ama socod gaaban.
# Ka fogow diiqadda haddii ay suuragal tahay.
# Ka fogow in aad keligaa noqoto.
# Ku biir koox taageero.
# La hadal sheekh ama hoggaamiye diineed.
# Tuko ama ictikaaf.
# Dareennadaada la qaybso qoyska ama saaxiibbada.
# Qor fekerkaaga iyo dareenkaaga.
# Qoyskaaga iyo saaxiibbadaaduba ha ku caawiyaan.
Qoyska iyo saaxiibbaduba way ku caawin karaan.
Ku caawinta qof inuu helo daaweyn waa muhiim. Qofka ku jecel waxaa laga yaabaa inuusan kuu haynin tamar ama rabitaan uu caawino kugu weydiisto.

Siyaabaha la isu caawino:
# U bandhigidda qofka aad jeceshahay in uu takhtarka aado. Waad weydiin kartaa su’aalo qoraal baadna ka qori kartaa.
# Qofka ku martiqaad inuu aado socod ama dibedda u baxo. Niyadda ha ka jebin haddii uu asagu ama ayadu ay yiraahdaan maya. Sii wad inaad weydiiso, laakiin ku curjin.

# Sii taageero dhimir ahaaneed adigoo la hadlaya isla markaana si taxaddar leh u dhegeysanaya. Ha is illowsiin dareennada, laakiin u tilmaan xaqiiqooyinka ugana deeq rajo.
# Ugu deeq u xaqiijinta in asagu ama ayadu waqti ka dib ay ka soo rayn doonaan.
# Ha is illowsiin ereyada ama ficillada muujinaya in qofku uu ku fekerayo ineysan noloshu waxba ugu fadhiyin. Ha is illowsiin ereyada ama ficillada ku saabsan dhaawicidda kuwa kale. Isla markiiba caawino ka raadso waaxda gargaarka degdegga ah ee isbitaalka.
La hadal takhtarkaaga haddii ay kula tahay in adiga ama qof aad jeceshahay uu qabo dareenka murugada oo soconaya in ka badan 2 toddobaad.

X-Somdoc

Rajonews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.