Xildhibaan Deeroow oo soo gaaray USA lana kulmay Jaaliyada Ohio

USA-(Rajonews) Xildhibaan C/rashiid Xaji Deeroow oo kamid ah xildhibaanada Soomaaliyeed ayaa waxa uu soo gaaray magaalada Columbus Ohio ee dalka    Maraykanka waxa uuna manta kulan la qaatay Jaaliyada gobolka oo uu kala hadlay arimo badan oo ay ka mid tahay sidii jaaliyadu uga qayb qaadan lahayd horumarka dalka iyo in ay maal gashi sameeyaan.

Waxa uu xildhibaanku sharaxay wax qabadkii dowlada iyo in dowladan ay ka gadisantahay dowladihii hore isaga oo muujiyay in uu isbadal jiro loona baahanyahay in la taageero.

Howlaha Baarlamanka waa kuwo aad u badan waana kuwo ay ku doonayaan in ay dowlada kala shaqeyaan isbadal iyo in dalka laga saaro dhibaatadii hore, waxa uuna xusay howlo badan oo ay Baarlamanka Soomaaliya qabteen mudadii uu jiray.

Waxaa su’aalo weydiiyay qaar kamid ah Jaaliyada, waxa uuna si hufan ugu jawaab celiyay dadkii wax wey

diiyay, isaga oo mid kamid ah dadkii su’aalaha weydiiyay uu yiri “Xildhibaan Muqdisho see u egtahay hada” waxa uu yiri Muqdisho maalin iyo habayn waa la socdaaa waa nabad, waxaana si dhib la’aan ah loogu dabaashaa xeebaha Muqdisho, Ganacsi, Waxbarasho, iyo howl walba waxa ay u socotaa si wanaagsan, waxaana dalka ku soo laabtay Jaaliyad aad u badan oo maalgashatay”

Xildhibaanku waxa uu Rajogaliyay in badan oo dadka kamid ah isaga oo ka codsaday in xiliyada fasaxa ay indhahooda ku soo arkaan, waxa uu kale codsaday in gobolada dalka la dhiso si meel walba isku badasho oo shaqo iyo nolol loo helo.

Waxa uu kulamo gooni nooni ah la qaadanayaa jaaliyada isaga oo socdaal ku gaari doona gobolo kale oo ku yaal Maraykanka.

Xildhibaan Deerow waxa uu si weyn u dhiiro galinayay ganacsatada iyo dadka waxbartay oo uu hogo tusaaleeyay. waxa uuna xildhibaanku ka mid ah dowladii Madaxweyne Shariif oo uu ka soo ahaa wasiirka Dib u heshiisiinta iyo Nabadaynta.

Waa markii ugu horaysay oo xildhibaan ka tirsan dowlada cusub uu yimaada Ohio tan iyo intii la dhisay.

Kaafi Yuusuf Aadan

Columbus-Ohio

Rajonews3@gmail.com

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.