Deg Deg: Askarigii labaad ee udhashay dalka Faransa oo Soomaaliya ku geeriyooday

Muqdisho(rajonews)Sida ay goordhow daabacday BBC-da qeyteeda Englishka waxaa gudaha dalka Soomaaliya ku geeriyooday askarigii labaad ee Dowladda Faransa kaga geeriyooda gudaha dalka Soomaaliya.

Askarigan oo la sheegay in Shabaab ay ku qabteen weerarkii fashilmay ee Buulo mareer ayaa waxaa la sheegay in goordhaweyd oo maanta ah uu geeriyooday isaga oo dhaawac ahaan u geeriyooday.

BBC-da ayaa soo xiganaysay afhayeen u hadlay Alshabaab Sheekh Abuu Muscab isaga oo la hadlay wakaalada Wararka Reuters news agency waxaana uu sheegay in iminka uu geeriyooday askarigii labaad ee udhashay dalka faransiiska ee ay gacanta ku hayeen Shabaab.

Afhayeenka Shabaab ayaa sheegay inay soo bandhigi doonaan askarta udhalatay dalka Faransiiska meydkooda dhawaan warbaahinta lasoo gelin doono sawiradooda.

Ciidamada dowlada Faransa ayaa habeenkii jimcaha isku dayay inay soo furtaan Denis Allex oo sanadkii 2009 laga afduubtay Muqdisho,Alshabaab ayaa sheegay in Denis Allex uu walli bad qabo,halka wasaarada difaaca Faransa ay sheegay inuu geeriyooday.

Dowladda Faransa dhankeeda waxa ay qiratay in howlgalkaasi uu kaga geeriyooday hal askari sidoo kalena mid kale nolosha ilaa iyo iminka lagu la’yahay.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.