France oo sheegtay in sii deynta Dennis Allex Shuruud lagu xiray

Muqdisho(Rajonews)Wasaarada Difaaca dalka France ayaa ka hadashay xaalada Dannes Alix oo gacanta ugu jiro ciidamada Alshabaab,inkastoo dowlada france ay sheegtay inuu dhintay.

Wasiirka Difaaca dalkaasi wuxuu sheegay in Alshabaab ay horay ugu soo direen fariimo ahaa in sharuud ku xeran tahay sii deynta Dannis Allex oo ku aadanaa inay soo daayeen rag ka dagaalyahano islaamiyiin oo ay sheegeen inay ku xeran yihiin dalal badan.

Sidoo kale wasaarada dicaafa Faransa ayaa sheegtay in Dannes Allix ku geeriyooday weerarkii ka dhacay deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Alshabaab bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in wali badqabo Dannis,islamarkaana uu ku sugan deegaan ka fog Buulo mareer oo ah goobtii uu werarka ka dhacay dhawaan.

Hadalka wasaarada difaaca ee dalka faransa marka laga soo tago ka sokow ma jiro wax war ah oo Alshabaab ilaa iyo iminka  kaasi oo ay kagahadlayaan sharuud ku xeran sii deynta Dannis Allex.

Denis Allex ayaa Shabaab waxa ay sheegeen inuu weli nool yahay islamarkaana gacantooda uu ku jiro.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.