Inta Badan shirkadaha Xawaaladaha Degmada Jowhar oo albaabada la isugu dhuftay

Muqdisho(Rajonews)Xirnaanshaha shirkada dhanka xawaaladaha ee Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii amaro uu maamulka Gobalkaasi kusoo rogay ay ka bixi waayeen.

Amarada lagu soo rogay ayaa waxa ay ahaayeen kuwa la xiriirta inay bixiyaan dhaqaalo lagu sheegay inay gaarayaan 1000$ doolarka mareykanka ah taasi oo lagu sheegay in lagu doonayo in looga shaqeeyo Nadaafada iyo ammaanka Gobalkaasi.

Afhayeenka maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe ee Dowladda Soomaaliya Daa’uud Xaaji Ciiro oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in shirakada ka xiray ay ka biyo diideen inay bixiyaan dhaqaalo uu maamul kusoo rogay shirkadahaasi.

Shirkadaha Xawaaladaha ee ay xireen maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa kamid ah Shirkada Juba Olympic iyo shirkado kale.

Magaalada Jowhar oo 9-kii bishii December ee sanadkii hore ay la wareegeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa soo maray maamulo kala duwan oo dadka deegaanka ay ku tilmaamayeen in culeysyo dhinaca dhaqaalaha ay kala kulmeen.

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.