Ma anniga doqon ah mise Soomaalidaan dadnimo lahan?

Qormo-(Rajonews) Bani-aadamka, sharaf iyo qiimo weyn ayuu leeyahay. Waxaa la mulki siiyay koonka iyo nimcadiisa. Qofka qaangaarka ah waxaa saaran masuuliyad isugu jirta mid qaran, mid qaradeed iyo mid caalami ah, waxaana ugu horreeya midda QARANKA. Saddexda mas’uuliyadoodba, waxaa ka reeban in koonka lugu fasahaadiyo fowdo, colaad, xasad, cuduro iyo nacayb si loo gaaro ujeedooyin gaar ahaaneed.

Dareenka wanaagsan ee bani-aadamka dhaawac ayeey ku tahay in la iska daawado arxan-darradii ka dhalatay ujeedkaas, oo ay ka mid yihiin jahli iyo masuq-maasuq iyo faqri; waxaa kaloo ka mid ah dhib loo gaysto aqoonta, garashada wanaagsan ee bani-aadamka. Waxaay kaloo taabanaysaa mas’uuliyiinta Qaran, qaaradeed iyo midda caalamka.

Arrimahaasi waxaay qeyb ka yihiin qorshe muddo lugu doonayeey in ummadnimada Soomaaliyeed lugu baabiyo, si dhulka Soomaalida loola wareego. Qorshaha oo soo bilowday oo soo shaacbaxay 2003, Soomaalida oo kaliya dhibaato kuma ahan laakiin wuxuu masiibo ku yahay taariikhi ah ku wada yahay qaaradda Afrika iyo Caalamka. Qaybta ugu mihiimsan ee qorsha waxaa fulinayaSoomaali.

Haddaba, arrintaas oo socada si aan loo oran ‘ma ogeyn iyo ma maqal’

aan akhriste kula wadaago, anniga, A. Gurato:

1.     Umadda Soomaaliyeed ayaan u shaqaynayeey 26 sanno ((1987-2013) kadib markaan arkay in waddankaygu ku jiro xaalladdii ugu xumayd ee soo marta taariikhdiisa: dadkii oo u qaybsamay beello, ururro, kooxo iyo maamul-beelleedyo cadow isu ah taageera ka hela dowladdo shisheeye iyo Khilaafaadka iyo heshiis la’aanta ah oo ay ka dhasheen masiibooyin: colaaddo, gaajo, cudurro iyo fowdo aan dhammaad lahayn oo ay garab-socdeen kuwo dabeeci ah.

 

 

2.     Dhibaatooyin u gaar ah ayaa ku dhacay deegaanka: sun badda lugu shubay, dhirtii oo dhuxullo laga shiday kadibna dibadaha loo dhoofshay iyo kheyraadkii dalka oo dayacmay (xoolo dhadig iyo duur-joogtii oo dibadaha loo dhoofsho, kalluumaysi sharci darro ah iwm.). Waxaa dhacday in dad laga ganacsaday.

 

3.     Waxaa dhacday in kan la dilayo iyo kan wax dilaya ay wada hasteen dhibaatooyin isku mid ah (nabad, nolol iyo nidaam la’aan.). Haddii aysan sidaas ahayn qaarbaa horumar heli lahaa?

 

4.     Dhibaatooyinka waxaa ka mid ah in bulshadii Soomaaliyeed la xafisiiyay figrado burbursan: 4.5, federal, dowladnimo la sheegto iyo in Soomaalida cadow laga dhigto shisheeyena lugu xiraado. Burcadbadeed iyo argagixiso ayaa ka abuurmay .Waxaa dhici karta in in ay sahal loo yiraahdo laakiin ay dadka qaarki ku adagtahay ereyadu sidii ay ku yimaadeen iyo ujeedkii laga lahaa.

 

5.     Waxagaradkii Soomaalida oo isku aragti ka noqon waayeey xal-u-helidda: intii xal isku dayday oo ay saameeyeen dhibaatadii jirtay; kalsooni-darro, dhammaystir la’aan; doonis gaar ahaaneed halkii xoogga la saari lahaa xal-u-hellidda guud kaliya iyo in Bulshada Caalamka la fahamsiin waayeey sababta dhibaatada iyo xal-u-helliddu waxaay noqon karto. Waxaan meesha ka maqnayn qorshe ka mid ahaa baabinta oo mar kasta hortaagnaa xal-u-helidda.

Intaas markaan arkay waxaan degsaday qorshe ka kooban shan qaybood:

Middka hore, in aanan dhibaatooyinka qayb ka noqon; in aan baaritaan ku sammeeyo sababta dhibaatada iyo xalku wuxuu noqon karo iyo in aan xoogga saaro arrimaha samafalka oo nabadda iyo isu-soo-dhaweynta bulshada ugu horreeyaan.

Midka labaad, in aan ka tanasulo wixii xuquuq ah ee aan la wadaago Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana aanan ka mid noqon urur, xisbi, koox iyo beel isla markaana hayb iyo hunguri cidna aanan kula murmin. Figradda khaldan iyo qofka lugu qanciyay ayaa laba u kala saartay. (“shacab xun ma jiro ee waxaa jira madax xun,” Barre).

Saddex, in aan taageero cid kasta oo maslaxad Ummadda Soomaaliyeed ka shaqaynaysa (nabad, nidaam, nolol iwm). Ha yeeshee waxaa iiga weynayd  in dowlad sinnaan iyo caddaallad ku dhisan la helo; waxaan kaloo xoogga saaray in aan waxgaradka la wadaago wixii u baahan talo-wadaag, annaga oo isticmaalaya warbaahinta noocyadeda kala duwan.

Waxaan meel iska dhigay xintan, xasad, cabsi, been iyo nacayb; waxaan go’aansaday in aan walaaleysto qof kasta oo aan halis ku ahayn maslaxadda ummadda Soomaaliyeed, maslaxadda gobolka iyo midda caalamka.

Afar, 2001 waxaan soo afmeeray baaritaankii sababta dhibaatada iyo saamaynta ay yeelatay ayaan bilaabay baaritaan kale oo ku saabsan aragtida Bulshada Caalamka ee aadan Soomaaliya. Sahal ma ahayn in la helo macluumaadkii loo baahnaa, si kastaba ha ahaatee, 2010 waxaanu helnay kalsooni ku saabsan danta Ummadda Soomaalidu sida ay ku jirto.

Waxaa xasuus mudan in aan maqaal halista ka qoray, ‘mustaqbalka bariga Afrika waa madowyahay,’nuxurkiisu ahaa digniin!

Shan, waxaan doonay aqoonyahannadii, ganacsatadii iyo waxgaradkii aan gaari karnay, waxaana u qabanay shirar kala duwan si aan ula wadaagno najiidadii nooga soo baxday baaritaankii. Nasiib-darro, waa ay sahladeen “bal wada” ayeey noogu jawaabeen. Hase ahaatee, niyad-jab nuguma keenin arrintaasi. Waxaan nugu dhashay in aan dib ugu noqdo waddankii si aanu u ogaano aragtida in-dheer-garadka.

Meelihii aan tagay waxaa ka mid ahaa dhulkii Banaaadir la isku oran jiray, Puntland, gobollda dhexe, DDS/SG iyo Somaliland. Waxgaradkii aanu la kulannay ee ku sugnaa meelihii aan sheegay way na soo wada dhaweeyeen isku aragti ayeeyna ka noqdeen wixii nala welwelkii noo muuqday.

Waxaan si gaar ah u bookhan jiray barakacyaasha iyo meelaha adeegga bulshada laga helo (caafimaadka, w/sho. Suuqyada iwm. Dadka waxaan u sheegi jiray in aan ahay nin Soomaaliyeed oo aan ka tirsnayan urur, dowlad, xisbi iyo maamul ama midna.

waxaan rumaysnahay in aan dalkaygii la joogo dadkaygii? mihiim ma ahan in aad ii sheegtaan haybtiina iyo haddii ay jirto cid aad taageero u haysaan ama mucaarad ku tihiin.”

Socdaalku halis ayuu ahaa, geeri iyo nolol ayaan u diyaar garoobay intii aanan bixin laakiin geeri waxaa iiga darayd in aan isku qancino ‘waxba lama qaban karo.’Waxaa kaloo ii muuqatay haddii aanan sidaas yeelin in ay fashilmi karaan dadaallada socday oo Amisom ku jirto. Guusha Amisom laba faa’iido ayeey u leedahay Soomaalida: mar nabad iyo dowlad ayeey Soomaaliya ku caawiyeen; marka kale, guusha Amisom qaaradda Afrika ayeey sharaf u tahay Soomaaliyana waa la wadaagtaa. Waxaa kaloo ii muuqatay in hay’adaha xuquuqda bani-adamka ay fashilmi karaan haddii aan xal deg-deg ah loo helin dhibaatada Soomaalida haysata.

Duruufo kala duwan ayaa ka jiray deegaanadii aan bookhday, si aanan filayn ayaa la iigu soo dhaweeyeey. Isku aragti ayeey ka ahaayeen arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen in xuquuqda aasaasiga ah in la wadaaggo (tacliinta, nolosha, caafimaadka, shaqada iwm); in qofka Soomaaliga ah uusan qariib ku ahayn deegaanada Soomaalida; in dhaqank, ganacsiga, isu-socadka isu furan yihiin; in aysan jirin cid reer hebel wax loo yeelo.Waxaanan ilaawayn niyad-wanaagii aan kala kulamay bulshadii aan la kulamay.

Tiradii aan filayeey dadku waa igala badnaayeen 70 per cent (qiyaas) waa dhalinyaro aan haysan tacliin iyo shaqo.

Su’aalaha qaar marka hore ee dadka la waydiiyo waa ay ku naxayeen laakiin marka denbe ayeey qiiroonayeen.Waxaanan ereyo kooban ku cabbiri karin quruxda dhulka oo leh noocyo kala duwan oo u baahan in la camiro.

Arrimahaasi waxaay ii xanbaariyeen kalsooni iyo mas’uuliyad intii hore ka badan.

Markii aan soo noqday, bishii August 2011, waxaan qornay qormo nuxurkeedu ahaa in loo baahan yahay ARAGTI-QARAN, HOGGAAN iyo saaxiib-siyaasaddeed. Isla markiiba wufuud caalami ah oo Muqdisho tagay waxaa ka mid ahaa Wasiirka kowaad ee Turki, Recep Tayyip Erdoğan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Britain, William Hague, Xoghaye Guud ee Qamarada Midoobay Banki-Moon iyo madax kale. Wixii xilligaas ka denbeeyay Soomaaliya isbeddel wanaagsan oo xawli ku socda ayaa ka jira.

Muddodaas ma jirto cid Soomaali ah oo gacan iga siisay howlahaas isla markaana ma jirto cid aan denbi ka galay oo Soomaali ama bani-aadam kale ah.Waxaase jiray abaal lama ilaawaan ah oo Bulshada Caalamka iyo waxgarad Soomaaliyeed oo meello kala duwan jooga ay noo galeen. Ha yeeshee waxaa jira shirqoolo, dad aan malab cabsiiyay oo qaarkood sun ii qoosheen.Waxaan isku qanciyaa maslaxad waddan awgeed in aan ku samro.

Micneheedu wuxuu yahay in aan ka badbaado xannuun ay u dhinteen odeydii Soomaalida ee hore, oo uu ka midka ahaa Xaaji Faarax Oomaar(AUN). Xannuunku wuxuu ahaa carro. Xaaji Faarax, inta kale, wuxuu uga duwanaa in nabad wax lugu doono.Waxaayna noqoday in aan khat wehel iyo maaweelo ka dhigto. Waxaan ka xumahay in dadka Soomaaliyeed qaarkood abaal iiga dhigeen ‘khat buu cunaa’. Khatku waddankan sharci ayuu ka yahay laakiin dhibaato ayuu ku hayaa Soomaalida gudaha iyo dibadaba oo xataa canshuur ka qaataan.

“addiga roone rag baa burcadbaddeed iyo Al-shabab aysan ahayn lugu eedeeyaa,” saaxiibkay nin ah.

Waxaan rumaysanahay in aan saxanahay oo doonayo xuquuq carruurtayada ay ka dhaxleen awoogood una marayo nabad iyo sharci.

Markay timaaddo ilaalinta xuquuqda qofka bani-aadamka ah, oo ah arrin ka maqan bulshada bariga iyo Geeska Afrika, haddii cid igu khaldanto ma sammeeyo xadgudub ee waxaan u sheegaa wixii dhacay waana dhacdaa in la xaliyo dhib la’aan, laakiin arrintani waa nooc cusub!

Haddiise ay jirto cid aan ku khaldamay oo aan dhibaato ku hayo, maxaay iigu sheegi wayday si aan khaladka uga daayo?

26 sanno oo ay ku jirtay saddex xarig iyo …, waxaan noqon karay wasiirka kowaad ee Ingiriiska ha yeeshee ma shalaynayo?  Waxaan waayeey waxgaradkii iyo dowladdii Soomaaliyeed!!

Ma waxaan niraahnaa bani-aadam wanaagsan ma jiro? Mase waxaan dhahnaa ma jiraan In-dheergarad Soomaaliyeed? Mase waxaan dhahnaa “doonista nabadda iyo bani-aadnimada ayaa dhibka keenay?

 

A.   Gurato

talosuge@gmail.com

Afeef: Qoraalada gaarka fikirkooda iyo waxa ay xanbaarsanyihiin waxay gooni u yihiin qoraha Rajonews wakiil kama ahan.

 

Rajonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.