Madaxda Dowlada Soomaaliya oo Waji Gabax kala kulmay Duqeeyntii Magaalada Buulo-mareer+(Daawo)

Muqdisho-(Rajonews) Kadib duqeeyntii ay Dowlada Faransiis-ku ka gaysatay Magaalada Buulo-mareer ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa soo baxaya warar isburinaya oo Dhanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ah,iyadoona Madaxda Sarre ee Dowlada Soomaaliya ay sheegeen in aysan ka Warheeyn Duqeeynta ciidamada Faransiis-ku ka geeysteen Gobolka Shabeellada Hoose,ayaa waxaa Arinta Beeniyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Cabdulqaadir Mohamed Siidii.

Guddoomiye Siidii ayaa wuxuu sheegay in ay lasocdeen Duqeeynta ciidamada Faransiis-ku ka geeysanayaan Gobolka Shabeeelada Hoose,isagoona sheegay in ay si Joogta ah Ciidamadu ula soo xiriiri jireen kana wareeysan jireen Xaalada Denis Alex oo ah laheeystaha u dhashay Dalka Faransiis-ka.

Arintan ayaa waxay Waji Gabax iyo Ceeb weeyn ku tahay Madaxda Dowlada Soomaaliya oo u muuqda in Maamul Goboleed-yada, iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinku ka Awood bateen,haddii ay Dhacdo in ay Ciidamada Faransiis-ku ay la Xiriireen Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose lana socod siiyeen Howl galka ay ka fulinyaan Magaalada Buulo-mareer si ay usoo furtaan Muwaadinka Faransiis-ka ah ee Gacanta ugu jira Urur-ka Al-shabaab.

Urur-ka Al-shabaab ayaa iyaguna dhankooda sheegay in ay laosocdeen Dhaqdhaqaaq-yada ay Ciidamada Faransiis-ku ku damacsanaayeen in ay ku soo furtaan Denis Alex oo u Gacan galay Koox-da Al-shabaab 2009-kii,iyadoona ay Arintaas Cadeeyn u tahay Digtoonida ay ku jireen Ciidamada Urur-ka Al-shabaab oo iyagu Dagaal xoogan lagalay Dayuuradaha Dagaalka Faransiis-ka oo doonayay in ay Xoog kusoo furtaan Denis Alex.

Haddii aysan Dowladu wax kaqaban Arimaha nuucaan ah waxan shaki kujirin in Duqeeymo Nuucaan ah laga geeysan doono Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir xili aysan ka warheeyn Madaxda ugu Sarreeysa Dowlada ,iyadoona Gobolka Banaadir uu yahay Gobolka kaliya ee ay Dowladu sida Buuxda Gacanta ugu heeyso.

Halkan ka Aqriso Madaxda Dowlada oo Arinta Canbaareeyneeysa.

dowlada-soomaaliya-oo-cambaareysay-howlgalkii-buulo-mareer-iyo-golaha-wasiirada-oo-kulan-deg-deg-ah-ka-yeeshay

Sidookale Halkan ka Daawo Guddoomiye Siidii oo Wareeysi Siiyay Aljazeera.

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.