Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay inay ku lug lahaayeen weerarkii Buulo Mareer

Muqdisho(Rajonews)Madaxweynaha dalka mareykanka Brack Obama ayaa wuxuu ka hadlay weerarkii Ciidamada kumaandooska Faransiiska ay ka geesteen Gobalka Shabeelaha hose gaar ahaan Magaalada Buulo Mareer ee Gobalkaasi.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in ciidamadiisa ay qeyb ka ahaayeen howlgalka balse aysan laheyn hindisaha weerarkaasi iyo sidoo kale dagaalka dhexmaray Shabaab iyo ciidamada faransiiska.

“Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa si aan shaacsaneyn ku galay hawada Soomaliya si ay u taageeraan howlgalka fashilmay,hadii loo baahnaa diyaaradahan wax hub ah ay rideen ma jirin inta howlgalka uu socday”Obama ayaa sidaa sheegay.

Sidoo Kale Obaama ayaa hoosta ka xariiqay in kaliya ciidamadiisa ay Faransiika ka caabiyeen dhanka farsamada ee lagu weeraray xarunta Al-Shabaab maalintii jimcada ahayd ee Buulo Mareer.

Madaxweynaha Mareykanka oo ku dheeraaday ka hadalkii howlgalkii Soomaaliya ayaa warqad qoraal ah waxuu u gudbiyay sharci dejiyaasha dalkaasi si u fuliyaan codsiga Obama uu ku doonayo awoodiisa uu ku balaariyo dagaalka ka jiro Soomaaliya iyo caalamka intiisa kale.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Mareykanka ayaa hadalkiisa qoraalka ah ku soo gabagabeeyay in dagaalka Soomaaliya Faransiiska ay ku soo qaadeen si toos ah kaga qeyb qaateen dagaalika lagu doonayay in lagu furto muwaadin u dhashay dalka Faransiiska.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.