Maxkamada ciidamada qalabka sida oo digniin adag ujeedisay ciidamada Dowladda

Muqdisho(Rajonews)Masuuliyiinta maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya ayaa digniin adag ujeediyay ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa milateriga.

Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya Liiban Cali Yaroow wuxuu sheegay inay soo bateen dhibaatooyinka ciidamada Milateriga ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Hadalkiisa ayuu intaasi ku daray inay sii kordheen tacadiyada ciidamada dowladda Soomaaliya ay ugeestaan dadka shacabka ah islamarkaana arimahaasi loo baahan yahay in wax laga qabto.

Liibaan Cali Yaroow ayaa sheegay in askarigii lagu hela kiis kufsi ah uu muteysan doono dil toogasho ah sidoo kalena kuwii lagu qabto falal dhac iyo amnidaro intaba maxkamada ciidamada qalabka sida ay ku qaadi doonto talaabo adag.

Labo kiis ayuu sheegay in dhawaan maxkamada ay go’aan ka gaari doonto kuwaasi oo kala ah kufsi askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya uu ka geestay Magaalada Marka iyo sidoo kale kiis kale oo la xiriira dhibaato uu askari geestay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay usheegay in askarigii kufsi geesta Dowladda Soomaaliya ay ku xukumayso dil toogasho ah.

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.