Aragtidaada ayaad ku aqoon tahay!

Hadda ka hor ayaa Odayaal loo xulay inay gar go’aan ka gaaraan. Waxay isugu yimaadeen sida caadada iyo dhaqanku ahaa geed hoostiis. Geedka waxaa dhakada sare ka saarraa wiil yar oo qayd dabada ugu xiran yahay. Waa tii maahmaahdu ahayd: “Xaajo haddaan sidii Daba Ari loo faydin ma bogsootee”.

Odoyaashii waxay gudagaleen gartii. Haddii ay gartii rogrogeen, oo dhan walba ka fiirsheen, ayey ib u bixin waayeen. Haddii warkii la isku celcelshay waxaa la isla qaatay in garta looOday badsho. Kuraygii yaraa ee geedka saarraa ayaa yiri: “Odoyaal ha dhihinninee, WAXGARAD dhaha!”.

Burburkan lagu jiro wax walba oo hallaysan sida ay dad badan la tahay waxaa dhaamay laba koox, oo kala ah: (1)DHALLINYARO. (2)MOORYAAN. Malaha dadka qaar waxayba la tahay inay is dhex galayaan ama isku mid yihiin.

Micnaha Dhallinyaro walbaa inuu Mooryaan yahay, Mooryaan walbaana Dhallinyaro yahay. Run ahaan aragtidaa gurracan waxaa ku hoos ku qarsan fashil weyn oo lagu daboolayo, oo dhan walba leh, ee aqriste, bal qormada sadarradeeda hoose sii raac.

Horaa waxaa loo yiri: “Labaatan jir intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa” sidaa awgeed, hubaal in dhallintu tahay udub dhexeedka colaadda ka aloosan Waddanka. Maxaa yeelay, waa xaabada dabka lagu shido iyo xoogga xabadda lagu rido.

Midda aannaanse is weydiin baa ah; marka laga soo tago inay keentay cududdooda furan iyo caqligoodaa aan fadhin, haddana saw ma ahan inaan la dhawrin xilli da’aadka ay ku jiraan dhallintu?.

Taa waxaa kuu caddaynaya in dhallintu tahay Malleeshiyada hubka u sidda BEESHA, DIINTA, GANACSATADA, QABQABLAHA iyo JABHADAHA. Marka taa laga yimaado, aan in yar  jalleeco hoggaankii hore ee umadda hagi jiray ee aan dhaafsiisanayn labadan kala ah: (1) ODAY DHAQAMEED: ee midi dhiig iyo dhalyo ku yimid. Inta ka soo hartana tahay Garaad iyo gu’ tirsi [GUURTI] oo dabcan magacyo badan oo kala jaad ah.

(2) WADAADDO: Waxaan marna ka maqnayn waa talada CULIMADA, oo had iyo jeer wax ku ool ahayd, maantase iyagaaba qaati laga taagan yahay, oo laga cararayaa, ee maxaa talo loo gaystaa ama laga dhagaystaa?

Waa meeshii laga dhihi jiray: “Meeshii Cir laga sugaayey ayaa Cayryaamo ka timid!” Hore waxay u ahayd “CULIMAA NA WAREERISAY!” kaba darane, waaba ninkii Kabaha Masjidka looga xaday, meeshuu ka yiri markuu Aadaanka Salaadda maqlay: “Maqla, Tuugadii ayaa isu wacanaysee!” Allaw adaa faxan”.

Waxaan ka marnayn DA’DA oo iyana lahayd kaalinteeda wax ku oolka ah. Maxaa yeelay  qof walba qofka uu ka weyn yahay wuu ka mudnaa wax dhihidda, cisayn awgeed! Waa haddii aysan duudsiinu ku jirine. Haddaba, marka laga soo tago Siyaasiga oo dabcan ah hoggaan maamul iyo siyaasad.

Lixdameeyadii sidii ay dawladdu u dhalatay, qaybahan aan sare ku soo xusay waxaa ku soo darsoomay waxan loogu yeero AQOON YAHAN, aniguse aan ugu yeero HAL AQOON ama HAL YAQAAN. Haddaba maxaa laga dhaxlay ama lagu faa’iiday? Ila gur aan goobeeyee.

Inta aanan waxqabad iyo waxgal u gudbin, waxaan jeclaan lahaa inaan wax yar ka iraahdo waxa aan uga jeeday HAL AQOON ama HAL YAQAAN. Dib u eegidda eraga waxaa igu dhaliyey in la i weydiiyey macnihiisa, ka dib markaan ku adeegsaday qormo hore aan u qoray oo cinwaankeedu ahaa: “Aqoon yahan Aragti ka arradan!”.

 

AFARREEY nin tiriyaa

ABWAAN kuma mutaystoo

HAL ABUURNA lama dhaho

CODKAR iyo AFTAHAN iyo

CURIYUU la Ehel yahay!

 

Maadaama eraga AQOON YAHAN yahay eray aad u dhumuc iyo mug weyn, tilmaamayana qof AQOON badan ama baaxad leh koobay. Sida eraga AFTAHAN, NABADDOON ama ABWAAN ay u tilmaamayaan sifooyin milga leh, oo aan qof walba loogu yeerin, sidaa oo kale ayaan dareemay in eraga AQOON YAHANNA aan qof walba aan la dhihin.

Taa kaliya ma ahane, madaama uu qofku waqti iyo wacaal ku baxshay waxbarasho, eraguna noqday eray hirgalay, ayaan isla eragii ka dhalaalshay eray aan ka fogayn macne iyo muunadba, si haddii eray kale loogu woco aan u dhalan DHIMAAL ka daran kan laga digiyey.

 

AQOON yahan la sheegiyo

INDHEER garad ma joogoo

Indhawaale maan arag

Astaamaha la qeexee

Aas-aaska laga dhigay

HAL YAQAAN iskiis iyo

HAL AQOON ha lagu daro!

 

Sidaa awgeed, ayaan ugu magac daray HAL AQOON ama HAL YAQAAN. Eraga hore, wuxuu tilmaamayaa in qofku wax yaqaan, balse, uusan gaarsiinayn  AQOON YAHAN. Kan xiga qudhuusu kama foga, wuxuu sheegayaa in qofku wax yaqaanno, balse, labada erayba adeegsigeedu waxay kaa dheeraynayaan in aadan  marna ku dhicin in aad qof ku tilmaamto wax uusan ahayn, adoon waxa uu yahay ka qaadayn.

Micnaha, sida HAL ABUUR walba aan ABWAAN loo dhihin, ayaan soo jeedin lahaa inaan HAL AQOON ama HAL YAQAAN kasta loo dhihin AQOON YAHAN. Aan sii jilciyee, waxaa ka dhexeeya labadan eray MACNE GUUD iyo mid GAAR, oo AQOON YAHAN walbaa waa HAL AQOON ama HAL YAQAAN balse, HAL AQOON ama HAL YAQAAN walbaa ma ahan AQOON YAHAN.

Eray bixintan ka dib, aan u laabto dulucda qormada. Sida aan xusayba, dhallintu waxay ku suntan yihiin inay XUME ABUUR yihiin. Sidoo kale, waxaa lagu dhaliilaa dhug la’aan iyo dhaaya xirnaan. Taa oo u baahan in la baaro si loo ogaado waxa sababay. Aniguse waxaan dhihi lahaa, bal aan fiirinno HAL AQOONKA, maadaama aan dhallinta aan la barin ama aysan baran wax ka baxsan inta da’duudu tahay.

Qof walba oo xumaan fala ama horseeda hubaal inuu mudan yahay in la haaraamo, haddana, saw ma mudna in la kala qaado, oo qof walba meesha uu bulshada uga jiro lagu xukumo.Waxaan taa u leeyahay waxaa badan inta dhallinta dhaliisha ee ka dhaaya xiran HAL AQOONKA, ee dhaqaale iyo dhuuniba lagu baxshay waxbarashadooda, si berri wax loogu dheefo. Halka aan dhallinta intaaba lagu sheegan karin, lase dhihi karo in la soo koriyey, oo haddaa HAL YAQAANKA miyaan isba la soo korin? Bal adba.

Mid aan filayo in aan isla qirsannahay ayaa ah in HAL AQOONka ama HAL YAQAANka Soomaaliyeed maanta maalin looga baahi badan yahay aan la soo marin, mana filayo in la soo mari doono. Taa waxaa dheer in bulsho walba ay hormuud u yihiin inta magac aqoon wadata, ee noqon kara AQOON YAHAN, HAL AQOON ama HAL YAQAAN. Haddana anaga kuweenna waa yar yihiin wax tilmaamta caynkaa ah leh ama buuxin kara kaalintaa.

Kan AQOONTA sheegtee
ARAGTIYO kas maan gala
Ka ARRADAN tusaalaha
Umaddaan muxuu tari
HAL AQOONNA ugu yahay?!

 

Qormadii todobaadkii hore, ee cinwaankeedu ahaa: “Aqoon yahan Aragti ka arradan!” waxaan ku sheegay in aan HAL AQOON lagu noqon karin eray qalaad iyo qobtol shisheeye. Si aan u muujiyo taa waxaan xusay in HAL YAQAANKA laba yihiin: (1) HAL AQOON GALBEED () HAL AQOON CARBEED.

Sidoo kale, waxaan xusay handhaqanka ay isaga midka yihiin, anoo ku soo koobay qaybahan, suuragalna ay tahay inay ka badan karaan, waxayna kala yihiin: (1) AF QALAADAYNTA.(2) DHAQAN DHIMAALKA. (3) KIBIR IYO ISLA WEYN. (4) MAGAC DHAANNIMO. (5) ARAGTI GAABNI. (6) SHISHEEYE KALKAALID. Waxaan ku kala duway laba arrin, kuwa kalana waa jiri karaane oo kala ah: (1) CARABAYNTA. (2) GALBEEDAYNTA.

Haddaba, HAL AQOONKA intaa oo tilmaamood iyo ka badan ku sifoobay, ma idin la tahay inuu ka soo dhalaalay kaalintii looga baahnaa? Hubaal, inaysan jirin qof dhammaystiran, haddana, ma filayo in tani tahay mid la xiriirta taa. Haddaba, arrinta muhimka baa ah, in sida aan soo xusayba horta eragan adeegsigiisa sidan hadda loo adeegsado laga badalo.

Marka aan isla garanno in aysan suuragal ahayn, in eray intaa xajmigiisu la egyahay dadka aad aragteen inaan loogu yeerin. Markan taa baranno, waxaan awood u yeelanaynaa inaan aqoonta ku miisaanno qofka aragtida uu noo gudbinayo. Maxaa yeelay taa waxay keenaysaa in aysan jirin qolo gaar u leh AQOONTA, kaagaba darane aan aragti hayn.

Dhanka kale, AQOON YAHANKU haddii uusan lahayn awood uu isaga caabbiyo ama isaga xajiyo wax walba oo iin u keeni kara, hadduu Caammiga ku dheri yahay ee la walaaqayo,  haddii marar badan Jaahilku ka dhaqan suubban yahay, ma idin la tahay in loogu yeero karo AQOON YAHAN?.

Aqriste, aan kuu sii jilciyee, maanta oo ay jirto dawlad aqoonsi buuxda ka heshay dunida, haddana, dagaallada iyo qalalaasaha wali Waddanka ka jira gees ka gees, qaybo ka mid ah waxaa hurmuud ka ah, kuwo wata magaca PROF. Waa filaa inaan isla oggol nahay inaysan jirin kaa qof ka AQOON YAHANSAN dhanka magaca ayaan ka wadaa dabcan, illeen dhaqan xumadiisa aragnaye. Haddana, wali magacaa ayaa loogu yeeraa. QOODHIIN iyo XERADIIN ma mudan yihiin?.

 

U adeege beeliyo

Abtirsiimo gaariyo
Eex iyo qabiil fale
U arrimiya reer qura
Inta kale ku aaduna

Umaddani halkeey gayn
Oo ku awdi doontaa?!

 

Haddaba, haddaan isla qaadannay in qofku hadduu kaalintuu lahaa ka soo dhalaali waayo, ee waliba dhanka kale ka soo jeesto uusan lahaanayn mudnaantii hore, ee uu si dabiici ah u luminayo magacii ku hullaabnaa, ma idin la tahay in sida aan aragtida isula qaadannay u hirgalinnay? Ani ahaan maya, adna aqriste?.

Haddiise aan qaadanno aragtidaa, waxaan si toos ah u hirgalinaynnaa cinwaanka qormada ee ah: “Aragtidaada ayaad la aqoon tahay” oo ka dhigan in qof walba lagu miisaamo aragtidiisa. Taa waxaa sii xoojinaya, tusaalaha aan ku billaabay qormada, oo ama noqon kara dhacdo dhab ahaan u dhacday, oo markaa sooyaalka ku jirta ama mala awaal dhugmo dheer ka soo fushay ah. Mar kastase, muujinaya xaqiiq aan la iska indha saabi karin ama laga tallaabsan karin.

Markaa waxaa dhacaysa in la helo inaan dadyow gaar ah la kali la noqon aqoonta. Maxaa yeelay, aqoontu marka xaggaa la iska dhigo barashada Buugga iyo dhigaalka, waa ARAGTI aad qaadanayso ama aad soo gudbinayso. Sidaa awgeed, waa in tixgalin gaar ah la siiyaa ARAGTIDA iyo waxa ay xambaarsan tahay, haddii kale, waxaa loo afduubnaanaa, MA LIIBAANEYAASHA AAN LAGU LIIBAANIN!

Yeysan ila gudbine, aan gaabshee, haddaysan aragtidaada ka marnayn QABIIL, EEX, MUSUQ, FAQUUQ, TAKOOR, DIIN DADBAN, DANAYSI, IWM, waxaa hubaal ah in AQOONTAADU aysan gaarsiisnayn heer ay la mahdiyo. Dhanka kale, imisaa la helayaa aan wadan magacyda ENG, PROF, DR, IWM haddana, ka ARAGTI suubban kuwa horgalaha ay u yihiin erayadan.

 

INKAAR qabe inaad tahay

Aan lagu aflixin abid

Iintaadu badan tahay

Agagaas inaad tahay

Ama aad ABOOR tahay

Igu diidi mayside

Umaddan maxaad tari

Ama maanta ugu taal
HAL AQOONNA ugu tahay?

 

Dhammaad.

 

F.G: Mardhaw fisha qormo kale ku saabsan isla mawduuca oo aan doc kale ka joogsan doono. Dhanka kale, Meerisyada aan ku soo qaatay qormada, waxay ka mid yihiin maanso dhawaan aan soo bandhigi doono.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Qormadaan wixii ay xanbaarsantahay Rajonews wakiil kama ahan amaan iyo dhaliil u dir qoraha

Rajonews3@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.