Xidiga Brazil ee News KAKA oo diiday inuu ku biiro Liverpool
Wiilka lagu naaneeso New kaka ee Philippe Coutinho ayaa diiday inuu ka ciyaaro horyaalka Premier league waxaana taas badalkeeda uu doortay dalka Taliyaaniga.
20 Jirka Inter Milan ee Weerarka dhexe ayaa waxaa xiiseynaysa kooxda Liverpool oo sidoo kale rabtay iney la soo wareegto Wesley Sneijder oo ku biiray kooxda Galatasaray.
Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa u soo bandhigay New Kaka £8 million balse kooxda Nerazzurri ayaa diiday lacagtaas.
“Ma dareemaya iney wadadeyda tahay bixitaan”Coutinho ayaa u sheegay Sky Sport 24.
“Waxaan rajeynayaa inaa sii joogo Inter,waxaana dareensanahay in Macalinka iyo kooxda ay kelsooni ii hayaan.
Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa shan jeer waxaa uu u saftay horyaalka Serie A kooxda Macalin Andrea Stramaccioni sanadka 2012-13 waxaana Amaah uu ugu soo ciyaaray Espanyol.
