Falaaqeynta kulanka Chelsea iyo Swansea
Chelsea ayaa hal talaabo waxaa ay caawa u jirtaa iney gaarto Finalka koobka Capital One Cup oo banaanka ay isasoo dhigtay kooxda Bradford City oo garaacday kooxda Aston Villa.
Garoonka Liberty Stadium ee Swansea waxaa ka dhacaya ciyaarta kama dambeys ah oo u dhaxeysa kooxaha Chelsea iyo Swansea iyadoo lugtii hore 2-0 Swansea ay ku adkaatay waxaana labada gool u dhaliyay Michu iyo Danny Graham.
Kabtan Chelsea John Terry ayaa Tan iyo bishii Novembar kulankiisii ugu horeeyay kasoo muuqan doona Caawa.
Xidigaha Nigeria John Obi Mikel iyo Victor Moses ayaa ugu Maqan Chelsea Koobka Africa
Ogow
Chelsea ayaa markii ugu dambeysay waxaa ay gaartay Semi Finalka koobkan Sanadkii 2008 halka Swansea markii ugu horeeyay ay tahay,Xitaa magaarin Wareega Sideeda.
Saacada Ciyaarta 10:45
SWANSEA
|
Tremmel Rangel, Monk, Williams, Davies Ki, Britton Hernandez, De Guzman, Routledge Michu |
CHELSEA
Cech Azpilicueta, Ivanovic, Cahill, Cole Ramires, Lampard Oscar, Mata, Hazard Torres |
